Baarlamaanka Somalia Oo Milatari La Wareegay

0
Akhriso: Baarlamaanka Somalia Oo Ka Walaacsan In Aan Sanadkan Laga Xajin Somalia & Somaliland
Baarlamaanka Soomaaliya

Baarlamaanka Somalia Oo Milatari La Wareegay

Ciidamo isugu jira kuwa Xasilinta iyo Koofiyad casta ayaa la wareegay xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo uu cirka isku shareeray khilaafka ka dhex qarxay Baarlamaanka. Ciidamadan ayaa galabta la geeyay xarunta, kuwaas oo ammaanka xarunta kala wareegay Ciidamo Boolis ahaa oo qaabilsanaa ammaanka Xarunta Golaha Shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan lagu amray in aan xarunta gudaha loo geli karin, waxaana saacadihii la soo dhaafay soo baxayay warar sheegaya in Xildhibaanada ay kulan berri ku leeyihiin, lagana cabsi qabo in buuq iyo fowdo ka dhaco.

Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa u muuqda inay degdeg u fara geliyeen xarunta golaha shacabka, inta aanu Baarlamaanka ka dhex bilaaban fowdo iyo gacan ka hadal.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaanada mooshinka ka wada Jawaari ay qorsheynayaan in hadii Jawaari uu shir guddoonka soo fadhiisto ay buuq ku furaan, maaddaama mooshin ka yaallo oo la isku hayo sharciyadiisa.

Lama oga halka ay ku dambeyn doonto xaaladan cusub ee soo korodhay, waxaana muuqata in Baarlamaanka uu labo garab u qeybsamay oo kala ah garab ay hoggaaminayaan Guddoomiye Jawaari iyo Mahad Cawad iyo garabka Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey iyo Xildhibaanada mooshinka keenay.

Source: Jowhar

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.