Baarlamaanka Oo U Yeedhay Komishanka Cusub

0

Xubnaha cusub ee loo soo xulay komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa looga yeedhay xarunta Baarlamaanka Somaliland.

Maalinta Axada ee berri ayaa lagu wadaa inay iska xaadiriyaan xarunta golaha wakilada Somaliland xubnihii cusbaa ee gudiga doorashada xisbiyada iyo guurtidu usoo xuleen marka laga imaado xubinta Xisbiga Waddani oo hore Xisbiga u hakiyay.

Waxaana wararku intaa ku darayaan in kulanka beri gaar uyahay gudi hoosaadka arimaha gudaha ee golaha wakilada Somaliland halkaasoo lagu dhageysan doono xubnaha cusub warbixintooda.

Xubnahan cusub ee ilaa hada murankoodu taagan yahay ayaa lagu wadaa inay badalaan xubnihii hore ee komishanka doorashooyinka Somaliland oo mudo xileedkoodu ku eeg yahay 29 bishan 11 aad ee Isla sanadkan.

Xigasho: Suxufi Faysal Fifa.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.