Baarlamaanka Oo Anixiyay Ciidanka Badda Itoobiya

0
Baarlamaanka Oo Anixiyay Ciidanka Badda Itoobiya

Baarlamaanka Oo Anixiyay Ciidanka Badda Itoobiya
Baarlamanka Itoobiya ayaa shalay meel mariyay sharciyo cusub kuwaas oo qaarkood wax lagaga bedelay sharciga ciidanka dalkaasi ku aasaasan yahay.

Baarlamaanka ayaa ansixiyay wax ka badalka hindise sharciyeed wax lagaga bedelayo xeerarkii lagu sameeyay ciidanka xoogga. Barlamaanka ayaa ansixiyay qabyo qoraalka wax lagaga bedelay xeerarka ciidanka kuwaasi oo si aqlabiyad leh ku ansaxiyay.

Sharciyada cusub ee baarlamaanka ansixiyey waxaa ku jira aas-aasidda ciidamada Badda, ciidanka cirka iyo sidoo kale kuwa dhinaca cyber-ka ama guud ahaan dagaalka internetka.

Itoobiya aya horay u sheegtay dhismaha ciidamada, laakin ogolaashiyaha baarlamaanka waxaa ay ka dhigan tahay sida ay go’aankooda u fuliyeen.waxa dhawaan la magacaabay guddi ka shaqayn doonta dhismaha ciidanka badda Itoobiya.

Lama oga saldhigga ciidamadaasi cusub iyo badda ay joogi-doonaan, laakin waxaa jira heshiis ay la galeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ay ku maal-gashan-doonaan Itoobiyaanku ilaa 4 dekeddood.

Ciidanka Badda Itoobiya Khatar Kuma Aha Somaliland

Dhawaan waxa soo baxay warar ku saabsan in heshiisyada ay wada galeen Farmaajo iyo Dr Abiy ay ka mid yihiin Saldhig Itoobiya ku yeelato xeebaha Saylac ee Somaliland waxaanay hore u sheegeen masuuliyiinta Itoobiya in aanay jirin wax ka mamnuucaya in ay dalalka gobolka Saldhig Badeed ka samaystaan maaddaama waddamo badan oo shisheeye Saldhigyo ku leeyihiin gobolka.
“Waxaynu Dhisi Doona Cududeena Ciidamada Badda,” Dr Abiy
Sayruuqnews

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.