Baarlamaanka Ingiriiska Oo Maanta Hargeysa Imanaya

0
Baarlamaanka Ingiriiska Oo Maanta Hargeysa Imanaya

Baarlamaanka Ingiriiska Oo Maanta Hargeysa Imanaya

Wefti ka socda Baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa la filayaa inay maanta socdaal ku yimaadaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Weftigan oo ka kooban dhawr xildhibaan, ayaa ujeedada socdaalkoodu waxay la xidhiidhaa u kuurgelidda xaaladda Somaliland ay ku sugan tahay iyo qiimaynta mucaawiinoyiinka uu Ingiriisku siiyo.

Xildhibaanadan ayaa la filayaa inay kulan la yeeshaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weliba xisbiyada siyaasadda iyo labada shirgudoon iyo baarlamaanka, waxaanay si gaar ah diiradda u saarayaan meelaha ay Somaliland u baahantahay in si gaar ah looga caawiyo, maadaama oo ay dhawr bilood ka hor ka soo baxday doorashadii madaxtooyada.

Source: Geeska

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.