Baarlamaanka Giriiga oo maanta codaynaya

0

Athens(Sayruuq)Baarlamaanka Giriiga ayaa maanta u codayn doona qaybtii labaad ee isbadalo dalkaasi laga rabo si ay ugu suuragasho in ay helaan daymo dhaqaalahooda lagu kabo.
Hadii ay xildhibaanadu meelmariyaan qorshahan isbadalada ee maaliyadeed iyo kuwo sharci, Giriigu waxa uu heli doonaa in kabadan sideetan bilyan oo lacagta Yuuroda ah, taas oo ah dabo qabotayn ay ka heli doonaan daymo bixiyayaashooda caalamiga ah.
Rai’sal wasaaraha Gririiga Alexis Tsipras oo ku tiirsan saaxiibadiisa Syriza
Waxaa la filayaa in arrintan loo codaynayo la meelmarindoono iyada oo taageero laga helayo xisbiyada mucaaradka.
faahfaahinta arrintan iyo waxa ka soo baxana waxa aad ku maqli doontaan idaacadaheena soo socda

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.