Baananka Somaliland ka jira waxay ugu tallogaleen inay dadka gaajaysiiyaan si ay u adoonsadaan.

0
Baananka Somaliland ka jira waxay ugu tallogaleen inay dadka gaajaysiiyaan si ay u adoonsadaan.
World Bank Report Finds Rise in Global Wealth, but Inequality Persists

Baananka Somaliland ka jira waxay ugu tallogaleen inay dadka gaajaysiiyaan si ay u adoonsadaan.

Nin shareecada islaamka ku haysta shahaadada PHD oo Ajanabi ah oo macalin ka ahaa qaar ka mid ah jaamacadaha dalka, ayaa kulan uu arday u qabtay ka jeediyey hadalkan.

“haddii Bangiyo caalami ahi yimaadan Somaliland, waxay dadku ku carari lahaayeen kuwaas cusub oo labadan Bangi ee xuurtida ku haysta shacabka dadku way ka guuri lahaayeen, waayo Bangiyadaasi kale dulsaarkoodu wuu ka yar yahay kuwan hadda, waanu ka shuruudo yar yahay, taas ayaa keenaysa inay ka dagaalamaan in Bangiyo kale dalka yimaaddaan.

Bangiyadan Somaliland waxay ku shaqeeyaan wax la yidhaahdo Muraabaxo waxba kama duwana Ribada ay Baananka kale dadka ka qaadaan, marka iyaga dan tooda uun u hortaagan Xeerka ee kama aha Diin Iyo xaaran ka fogaanshiyo.”ayuu yidhi.

Professor ku wuxuu sheegay in uu isku dayey inuu arrintaasi kala doodo si isaga ama iyaga mid uun loo qanciyo balse wuxuu sheegay inay ka diideen.

Arrimaha noocaas oo kale ahi waa adoonsi dad badan, marka dadka la gaajaysiiyo waxay qasab ku taageerayan waxa aanay rabin, marka waxay ugu tallogaleen uun inay dalka iyagu kooto ku haystaan, laakiin xaaran iyo xalaal midna kama aha iyaga.

Suxufi Basrkhad-Ladiif

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.