Baadhitaankii Cuslaa Ee Ciidamada Booliska S/Land Oo La Sheegay In La Sii Kordhin Doono Iyo Rag La Tuhunsan Yahay Oo Lagu Daba Jiro

0

Hargeysa (Sayruuq) – Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa bilayska Somaliland ayaa labadii cisho ee u dambeeyay si baahsan loogu daadiyay Badhtamaha Suuqyada Hargeysa iyo qaybo ka mid ah Xaafado ka tirsan Caasimada kadib markii sida la sheegay laga war helay rag aan haybtooda la aqoonsan oo falal Amni daro wada oo soo galay Hargeysa kuwaasi oo aan wali si rasmi ah loo shaacin cida iyo kooxda ay ka tirsan yihiin.
Warar Xog ogaal ah oo Wargeyska Foore helay Xalay ayaa noo xaqiijiyay in Ciidamadii badnaa ee maalmihii u dambeeyay ku gaaf wareegayay Goobo badan oo ka tirsan Caasimada Hargeysa ay baadi goob ugu jiraan rag laga shakisan yahay inay falal Amni Daro la soo galeen Somaliland kuwaasi oo aan wali lagu guulaysan in la qabto ama gacanta lagu dhigo balse ciidamada Bilayska oo kaashanaya Hay’addaha xog doonka ayaa baadi goob adag ugu jira sidii ay raggaasi gacanta ugu soo dhigi laahayeen. Wararkan ayaa intaa ku daray in aad looga shaki qabo in raggani ay degeen Hargeysa islamarkaana ay soo maleegayaan falal amniga wax u dhima,balse waxa arintaasi si weyn uga gaashaamaan oo gacan birleh ku raadinaya Ciidamada kala duwan ee Amniga Somaliland oo iyagoo aad u gaashaaman lug iyo gaadiid ku dhex wareegaalaysanaya Magaalada Hargeysa.
Ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan kuwa sida gaar ka ah u tababaran ee RRU-da ee loo sameeyay la dagaalanka kooxaha wax qarxiya ayaa Doraad galabnimadii isku xeeray Bacadlaha Weyne ee Suuqa hoose ee Waaheen,waxa laga dhaadhiciyay gaadiidkii ay saarnaayeen waxay iyagoo fiilo ku jira socod ku dhex mareen Suuqa aadka u buuqa badan ee Waaheen. Iyadoo sidoo kale isla habeenimadii maalintaasina isgoysyada Magaalada Hargeysa si weyn baadhis loogu samaynayay gaadiidka Caasimadda ka dhex shaqeeya,waxa laga dhaadhicinayay Dirawalka iyo rakaabka saaran gaadiidka waxaanay ciidanku galalafayeen guud ahaan gaadhiga iyo Kuraasta hoostooda iyagoo ka baadhayay walxaha qarxa iyo in wax hub ahi saaran yihiin.
Arintan ayaa ku soo beegmaysa Wakhti ay kooxda Alshabaab ee Dagaalka kula jirtay Dawlada Taagta Daran ee Soomaaliya Digniin cod iyo muuqaal ah u soo dirtay Xukuumadda Somaliland islamarkaana ay ku goodisay inay falal amni daro ka fulin doonaan Gudaha Somaliland. Majiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay Saraakiisha Amniga Somaliland oo sheegaya rag laga shakisan yahay oo soo galay Magaalada Hargeysa. Waxaanu xalay dhawr jeer garaacnay Telefankiisa Gacanta Taliyaha Ciidanka bilayska si aanu wax uga waydiino Hawlgalada Ciidanka Bilaysku ka wadaan Magaalada Hargeysa,nasiib daro wuu naga qaban waayay telefanka,Dhawr jeerna wuu nagu mashquuliyay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.