Axsaabta Qaranka Oo Muujiyey Bisayel Siyaasadeed Iyo Isku Tanaasul+SAWIRRO

0

Hargeysa(Sayruuq)- Sida uu hore idinku balan qaaday Margeeta Sayruuq.com  Hordhicii Heshiiska saddexda Xisbi qaran iyo Xukumadda Somaliland ayaa ku heshiiyay in doorashada Madaxtooyada iyo Wakiilada la qabto 15-k bisha December ee sanadka 2016-ka, waxaana laga noqday go’aankii golaha guurtida ee ahaa in doorashada la qabto sanadka 2017-ka.

Kulan saacado badan qaatay oo saddexda xisbi iyo Xukumadda ku dhex maray qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu soo bandhigay caawa heshiiska oo ay isla wada qaateen dhamaan dhinacyada.

Heshiiskan ayaa imanaya kadib wada hadalo maalmihii u dambeeyay u socday saddexda Xisbi iyo Xukumadda oo lagu lafo gurayay muranka ka dhashay mudada 22-ka bilood ah ee guurtidu u kordhisay Xukumadda iyo Wakiilada.

Xisbiyadda Mucaaridka ayaa dhankooga soo dhaweeyay Xalkan Mudo kordhinta kuwaaso hore igu biyo diiday inay qaatan muddadda 22Bilood ah taaso beesha caalmkuna cadaadis faro badan ku saartay Xukuumadda Talada Haysa ,Xisbiga Ucid ayaa isagu kulankii saddexaad ee wada hadaladda Xukuumada Iyo Axsaabta Mucaaridka ah ka dhawaajiyay in Arinku meel fiican u maryo ,Balse WADANNI ayaa isagu kulankaa ka soo kacay taaso uu sheegay in ay muddo dib iskugu noqosha ah aanay xaalku noqonayane .

isku soo wada duubo Axsaabta Qaranka ayaa muujiyey isku tanaasul iyo xal keenid markaste somaliland ay umaddaha kale kaga horeyso is dhagaysi iyo kala danbeynta Madaxdda Majaraha iyo hogaanka Shacibka Matale ku kacaan .

 

MO Askar

Sayruuq.com

Hargeysa-Somaliland



 

7 6 4 5

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.