Axmed C/Dheere Oo Ka Jawaabay Hadalkii Samaale

0
Axmed C/Dheere Oo Ka Jawaabay Hadalkii Samaale

Axmed C/Dheere Oo Ka Jawaabay Hadalkii Samaale
Hargeysa(Sayruuq) Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee xisbiga Kulmiye Md Axmed Cabdi Dheere ayaa markii u horeysay ka jawaabay weedho adag oo Cabdicasiis Maxamed Samaale saxaafadda la wadaagay dabayaqaadii bishii hore markii uu socday shirkii golaha dhexe ee Kulmiye oo Boorama ka dhacay.

Cabdicasiis Samaale oo ay saxaafaddu dib u xasuusisay xilli uu han madaxweyne lahaa sidii uu u dhalliilay madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo ee aan haddana xisbiga looga saarin iyo sida hadda xisbiga looga eryay siyaasiyiin hoggaaminta madaxweyne Biixi dhalliilay ayaa ku dooday in aanay isaga cidna ka saari Karin xisbiga xilligan iyo xilligii Siilaanyo toona.

Cabdicasiis Samaale ayaa yidhi “La igama saari karo xisbiga! Yaa iga saari kara xisbiga aasaase ayaan ahaye? Qof si fudud looga saari kara ma jiro, waxaan u hadli si adag marka ay igu bannaan tahay, intii ila midka ahayd imbadan baa ka tagtay ee lagama saarin, la igama saarin la igamana saari karayn kuwaas isla midka ahaana lagama saarin ee iyaga ka tagay, aniga haddaad I leedahay maxaa lagaaga saari waayay bal ka aad isleedahay awooddaas ayuu leeyahay oo wuu ka saari karayay waydii oo dheh maxaad Cabdicasiis Samaale uga saari wayday?.”

Hase ahaatee wariyeyaasha ayaa shalay guddoomiye xigeenka labaad ee Kulmiye waydiiyay sida uu u arko weedhaha adage e Cabdicasiis Samaale waxaanu yidhi “Waa su’aal wanaagsan, horta cidba si bay wax u fahanta, haddii qof yidhi xisbiga yaa aniga iga saari kara? Si baa qofba u fahmi kara, anigu waxaan u fahmi kara in uu leeyahay ‘anigu sharciyada ku xadgudbi maayo’ laakiin, sharciga waa loo wada siman yahay nin ka weyn sharciga_ qofka khaladaad ka gala ee xeerka xisbiga jabiya sidii xubnaha horeba sharcigu wuu wada qabanaya qof aanu xeerka xisbigu qabanayn ma jiro haba yaraatee.”

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.