Axkaamta Soonka – Casharka koowaad:

0

Hordhac:
* Soonku waa tiirka afraad ee Islaamka.
* waxa la sharciyeeyey sanadkii labaad ee Hijrada Nebiga (Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee).


1. Fadliga Soonka:
* soonku waa cibaado aad u fadli badan, waxa ku soo arooray fadligeeda axaadiis badan oo Nebiga (SCW) ka sugnaatay, waxaana ka mid ah:
2. Waxa la furaa albaabada Janada oo dhan, waxaana la xidhaa albaabada Naarta.
3. Waxa la silsiladeeyaa shayaadiinta waaweyn.
4. Malaa’igtu waxay denbi-dhaaf ilaahay u waydiisaa qofka sooman ilaa uu ka afurayo.
5. Waxa ku jira habeenka laylatul qadriga oo kun bilood ka fadli badan.
6. Habeen kasta oo ramadaan ah Illaahay dad buu naarta ka xoreeyaa.
7. Qofka sooman luunka afkiisu wuxuu ka udgoon yahay Illaahay agtiisa cadarka miskiga-oo ah kan ugu udgoon wax la udugsado-.
8. Ilaahay wuxuu u denbi-dhaafaa qofka maalinteeda sooma iyo ka habeenkeeda tukada.
9. Janada waxa ku yaala Albaab Rayaan la yidhaahdo oo dadka sooma oo keliyi ka galaan.
10. Iyo fadaail kale oo badan, halkanna aynaan ku koobi karin.
Macnaha Soonka.
* Soonku waa in laga dhowrsado- fogaado- waxyaalaha buriya soonka, marka waagu dilaaco ilaa ay cadceedu ka dhacayso, iyadoo ficilkaas looga jeedo in ilaahay loogu dhowaado- cibaado-.
Tiirarka soonka.
* Soonku wuxuu leeyahay laba tiir -rukun- oo uu ku taagan yahay, kuwaasoo kala ah:
1. Niyad cibaado.
2. Ka dhowrsasho wax kasta oo soonka burinaya.
Yuu ku waajibay soonku?.
* Soonku wuxuu ku waajibay qof kasta oo astaamahan soo socda laga helay:
1. In uu Muslim yahay.
2. Inuu qaan- gaadh yahay- qaan gaadhimada raga/labka waxa lagu gartaa:
1) Inuu Shan iyo toban sano jirsaday.
2) Inuu timaha hoose ee cawrada dhinacyadeeda ka soo baxa isku arko.
3) Inay biyaha taranku ka yimaadaan (Manida).
Qaan- gaadhnimada dhedigga/haweenka- waxa sadex daas kore lagu darayaa, laba kale:
1) Inay dhiiga caadada ee bisha hesho.
2) Inay uuraysato- ilmo qaado.
Qof kasta oo laga helo mid ka mid ah calaamadahaas kore waa qaan- gaadh, gaadhay da’dii mukalafnimada, xataa haduu toban sano oo keliya jirey.
3. Inuu miyir qabo oo xiskiisu dhanyahay.
4. Inuu neg yahay – muqiim- oo aanu socoto -safar- ahayn.
5. Inaanay gabadhu lahayn dhiiga caadada ama dhalmada.
6. Inuu caafimaad qabo, oo aanu qabin xanuun u diidaya inuu soomo.
Fadlan faafi si looga faa’iidaysto adna aad ajar uga heshid.
Ramadaan Barakaysan dhammaantiin
Ilaahay acmaasha wanaagsan hayna waafajiyo oo haynaga aqbalo. Aamiin.
La soco Casharka xiga——
Qore: Dactor Abdulqani Beder

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.