Askar Soomaali ah oo isugu soo haray saldhig boolis oo Mareykanka ku yaalla

0

Arrin taariikhi ah ayaa Sabtidii iyo Axaddii la soo dhaafay ka dhacday xarunta booliska ee Metro Transit, kaddib markii ay shaqada isugu soo aadeen askar ka soo wada jeeda Jinsiyada Soomaalida.

“Waxaan qabannaa telefoonnada, waxaan ilaalinnaa dadka, taasina waxay ii tahay khibrad cajiib ah.” Ayuu yiri Cabdicasiis Maxamed oo ka mid ahaa askarta ka howlgaleysay xaruntaas.

Maxamed wuxuu ku biiray booliska sanadkii 2018-kii, wuxuuna gobolka Minnesota tagay isaga oo 8 sano jir ah.

Xarunta oo ay ka howl galaan askar ku dhaw 120 ayaa 7 ka mid ah ay yihiin Soomaali .

“Waxaan joognay xarunta, ma’ahan arrin la qorsheeyay, balse si wada jir ah ayaan isugu soo aadnay,” ayuu yiri.

Jaylani Hussein oo ka tirsan maamulka dhanka xiriirka Islaamka iyo Mareykanka ayaa sheegay, in gobolka ay ku suganyihiin shacab badan oo ah Soomaalida Mareykanka ku nool, uuna arrinkan askarta ka caawinayo ka hortaga caqabadaha ay wajahaan.

“Waxaa laga yaaba markay dadka shacabka ah la kumlaan inay dareemaan farxad, maxaa yeelay waxay la kulmayaan qof u eg iyaga oo luqadooda fahmaya,” ayuu yiri.

Maxamed ayaa sheegay in isaga iyo saraakisha kale ay halkan u joogaan sidii ay u ilaalin lahaayeen qof walba.

Arrinta ay samaynayaana, waxay noqonaysaa mid taariikhda gasha.

Source: BBCSOMALI

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.