“Arrinta Somaliland & Somalia Waa Arrin Gooni Ah,” Khayre

0
Arrinta Somaliland & Somalia Waa Arrin Gooni Ah,” Khayre

“Arrinta Somaliland & Somalia Waa Arrin Gooni Ah,” Khayre
Wasiirka ganacsiga Soomaaliya Maxamed Xayir Maareeye oo ka soo jeeda Somaliland ayaa shirkii golaha wasiirrada Soomaaliya ee Khamiistii oo lagu soo bandhigay qorshaha xukumadda Muqdisho ka keenay su’aalo ku saabsan Somaliland, waxaanu sheegay in aanay qorshaha xukumadda Farmaajo iyo Khayre ka dhex muuqaan Somaliland siiba wada hadallada labada dal.
Hase ahaatee ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre oo u jawaabay ayaa sheegay in wada hadalka Hargeysa iyo Muqdisho tahay arin gaar ah oo qoran oo qorshe gaar ah leh “Mashruuca dib u heshiisiinta ama wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya waa shaqo gooni ah oo Qoran oo socota oo madaxweynaha iyo aniguba aanu ka shaqayno oo adigana lagula wadaagi karo oo aan tubo ku jirin waana shaqo socota oo meel fiican soo gaadhay qaybna ka ah waxyaabaha dawladdu hiigsanayso laakiin, tubuhu waa shaqo maalmeedka wada hadalladuna waa ka gooni,” Sidaas ayuu yidhi Ra’isal wasaare Khayre.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.