Arrinta Ceel Afweyn, waa dhiilo & war naxdin ku ah..

0

Arrinta Ceel Afweyn, waa dhiilo & war naxdin ku ah…

Waxaa qoray Agaasimaha Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqaalaha Abdirashiid Abdirahman

Arrinta Ceel Afweyn, waa dhiilo & war naxdin ku ah muwaadin kasta oo reer Somaliland ah. In Illaahay wanaaga & Islaaxa tuso dadkaasi walaalaha ah ayaan u baryeynaa. Cid kasta oo kaalin qaadan kartaa in ay ciyaarto kaalinteeda waa waajib Illaahay ku garab gali doonno.

Wey adag tahay in nabad waarta la gaadho iyadoo qoriga & toorayduba ay gacanta geel jiraha ku jiraan. Ninka geel jiraha ah mar haddii uu qorigiisa & Tooraydiisa dhinaca ku sito, in ay cidi ka sarayso uma haysto – il bidhiqsiga uu doonno ayaa uu dilayaa cida ay iska hor yimaadaan – ragganimada geel jiruhu waa wax iska dhicin.

Deegaanada geelaydu degto ee caasimada ku hareeraysan waa hore ayaa hub ka dhigis lagu sameeyey geel jira, geela UL ayaa ay ku raacaan geel jirayaashu- waa la dawladeeyey. Taasi mid la mid ah ayaa dhamaan gobolada barrigu u baahan yihiin.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.