Arrimo Culayskooda Leh Oo Hor Yaalla Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi: Falanqayn

0
Madaxweynaha la doortay ee JSL Md Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa(Sayruuq) Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland waxay madaxweynaha shanta sanno ee soo socda u dooratay Mudane Muuse Biixi Cabdi. Waxa uu majaraha u qabanaya qaran sharciga iyo dawladnimadu ka jilicday oo duruufo badan ku gadaaman yihiin kana soo baxay olole doorasho oo kala qaybin horseeday sidoo kalena waa Madaxweyne haysta fursado badan oo nabaddu ugu horayso xilka kula wareegaya. Waxaanu qormadan ku guud mari doona arrimo dhawr ah oo horyaalla Madaxweynaha la doortay.

Kharriidadda Siyaasadda Somaliland

Isbahaysiga degaannada oo hab qabiil ku dhisan ayaa caan ka noqday ololaha doorashada Somaliland. Arrintan ayaa sii xoogaysatay markii bilawgii October Suldaanka guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan iyo Suldaanka guud Habar Jeclo Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse oo madaxda dhaqanka labada beelood kala hoggaaminaya heshiis isbahaysi ku kala saxeexdeen Burco kuna heshiiyeen in ay wada dhisaan musharraxiinta Kulmiye halkaasna lagu shaaciyay isbahaysiga eray bixintiisu noqotay Jeegaan.

“Doorashooyinkii hore doorashadani way ka duwan tahay. Doorashooyinkii hore saddexda xisbi ayaa tartamayay ee beelo may ordayn, Hay’addo ayaa inoo dhisna oo Guurtida ayaa inoo dhisnayd, dadka fayooba oo lexejeclo Somaliland ah lahaa. Maanta Guurti ma jirto, Institution maanta inoo badqabaana ma jiro,” Sidaas waxa yidhi Eng Faysal Cali Waraabe oo markii ololuhu dhammaaday ka hadlayay sida qabyaaladdu uga shaac baxday nidaamka ololaha doorashada.

Hannaankan ku dhisan isbahaysyada beeluhu wuxuu keenay kala qaybsanaan weyn oo bulshada dhexdeeda ah. Tan waxa marag ka ah in aan qaybo badan oo caasimadda Hargeysa ah laga dareemin farxadda dabaal degga Madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi sida degmooyinka 31 May, Axmed Dhagax, Maxamuud Haybe, Maxamed Mooge iyo qaybo ka mid ah Gacanlibaax taas oo aanay macnaheedu ahayn in aanu cod ka helin Mudane Muuse Biixi laakiin, ay tahay in mucaaradku ku xoog badna. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ka hor natiijada ka digtay in loo damaashaado madaxweynaha iyada oo laga cabsi qabo isku dhacyo ama ammaan darro.

Sidaas awgeed midaynta bulshada u kala qaybsan siyaasad ahaan ku dhisan degaan ama hayb waa caqabad hor taalla madaxweynaha la doortay taas oo u baahan in muddo xileedkiisa laga gudbo arrimaha isku dhacyada beelaha keeni kara ee lagu kala hororsanayo kuraasta Qaranka, islamarkaana doorashooyinka dambe lagu galo hannaan is dhexgal bulsho ka muuqdo. Xukumadda Muuse oo dawayn wayda arrimahan waxay keenaysa in mucaaradad adag ay wajahdo xukumaddiisu 5-ta sanno ee soo socda.

Dawladda Uu Soo Dhisi Doono Madaxweyne Muuse

Xukumadda Kulmiye ee xilka ka degaysa waxa lagu dhalliila tiro badnaan iyo tayo xumaan ay sababtay in beelaha lagu qanciyo. Indhaha ayaa lagu haya xukumadda uu soo dhisi doono Madaxweynaha la doortay iyada oo diiradda la saarayo habka uu beelaha ugu qaybiyo. Waxa si gaar ah loo eegaya cadka uu siiyo beelaha mucaaradka ah iyo kuwa soo doortay. Cadka uu siiyo beelaha darafyada iyo habka uu u qaybiyo kuraasta muhiimka loo arko. Waxa uu haysta fursad uu kaga leexdo hannaanka hore kuna dhiso dawlad kooban, tayo lagu xushay leh oo bulshada wada metesha, islamarkaana aan muwaadiniinta kala xigtaysan. Dawladda uu soo dhiso waxay abuuri karta mucaaradad hor leh ama muxaafadad hor leh.

Dhaqaalaha iyo Musuqmaasuqa

Bulshada Somaliland waxa ku xeeran duruufo dhaqaale xumo oo loo arko kuwii ugu adka. Sixir bararka ayaa halkii u saraysay maraya kaas oo ay waxba ka qaban kari wayday xukumadda xilka bannaynaysa. Abaaraha soo noqnoqday iyo dhoofka xoolaha oo xidhan ayaa ah caqabad weyn oo dhulka dhigtay dhaqaalaha bulshada. Dhanka kale bulshada ayaa ka aammin baxsan dawladda una aragta in madaxdu dhaqasho u dhex joogto, islamarkaana masuul walba ka xoolaysto cashuurtooda iyo khayraadka waddanka waana mid looga fadhiyo madaxweynaha la doortay in uu wax ka bedelo.

Dabeecadda Siyaasadda Somaliland

Habdhaqanka ama dabeecadda siyaasadda Somaliland ayaa noqotay mid majara habawsan oo aan lahayn meel loogu haggaago. Siyaasiyiinta guurguura ee hadba xisbi ka soo jeesta ayaa noqday kuwo jaahwareeriyay bulshada. Waxa iska caadi noqotay in siyaasi nidaamka dawladda ka mid ahaa barri mucaarad noqdo mid mucaarad ahaana muxaafid noqdo. Tusaale ahaan siyaasiyiintii dawladdii UDUB ee bulshadu bedeshay ayaa ka mid noqday dawladdii Siilaanyo ee bulshadu dooratay. Waxa la eegi doona in Muuse Biixi sii wado nidaamkan oo uu dadka shaqada uu u diranayo ka dhigo xisbiyada mucaaradka ah.

Kalsoonida Bulshada

Doorashada Somaliland waxa is diwaangeliyay 873,331 qof Waxaana kaadhadhkooda soo doontay oo kaadhadhka codaynta qaatay 704,089 qof. Waxaan kaadhadka soo doonan in ka badan 150,000 qof. Sidoo kale waxa codeeyay 565,617 oo u dhiganta 80% dadkii kaadhadhka codaynta haystay. Waxaan codayn 20% dadkii kaadhadhka qaatay.

Bulshada Somaliland oo lagu qiyaaso Afar Milyan waxa codeeyay Nus Milyan iyo badh  waxaana Madaxweyne Muuse Biixi Doortay saddex boqol oo kun oo qof(305,909 Qof). Sababta ugu weyn oo loo aanaynayo in dadka doorashada isu diwaangeliyay yaraadaan in badan oo ka mid ah kaadhadka u qaadan waayeen, in kaadhadhka qaadatayna u codayn wayday waa in bulshadu ka niyad jabtay  siyaasiyiinta, islamarkaana kuwii ay hore u doorteen ka waayeen waxqabadka ay ka filayeen. Madaxweynaha la doortay waxa hor yaalla in uu noqdo mid soo nooleeya rajada shacabka ee haatan quusta ah si ay doorashooyinka dambe uga qayb galaan iyaga oo idiilo tan dhaanta leh.

Doorashooyinka

Bulshada Somaliland waxay khadyaan ka istaagtay muranno ku saabsan muddo kordhin doorasho iyo in goleyaal wakhtigu ka dhammaaday iska sii fadhiyaan kuraasta. Madaxweynaha la doortay waxa laga filaya in uu qabto doorashooyinka Wakiillada, Goleyaasha degaanka iyo Guurtida sidoo kalena aanu isagu muddada korodhsan ee uu xilligeeda ku qabto doorashada Madaxtooyada.Arrinta ugu adag ayaa ah dejinta hannaan saami qaybsi oo lagu sargooyo golaha wakiillada taas oo madaxdii ka horaysay ka maagtay.

Soomaaliya iyo Citiraaf Raadinta

Xukumadda Kulmiye ee 7 sanno xilka haysay waxa dhalliilaheeda ka mid ah habka ay ula macaamishay Soomaaliya oo ah in ay fududaysay isu socodka iyo bilawga wada hadallo jaanta rogan ah oo ku dhammaaday natiijo la’aan. Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi ayaa wada hadallada ku tilmaamay kuwo aan midho dhal ahayn laakiin, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo qadimay in uu dardar gelinayo wada hadalka. Somaliland oo ay citiraaf la’aantu dhib weyn ku haysay 27 Sanno waxa laga sugaya madaxweynaha la doortay in uu bulshada caalamka ku qanciyo xaqa Somaliland u leedahay Citiraaf caalami ah.

Sayruuqnew/ Falanqayn

Hargeysa-Somaliland

Contact@Sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.