Arinta Astaan TV waa imtaxaan Somaliland horyaala!

0

Arinta Astaan TV waa imtaxaan Somaliland horyaala!

Baahida ugu wayn ee Somaliland maanta qabtaa waa inay hesho maalgashi. Qofkasta oo wadankan maal-gashadaa wuxuu shaqo u abuurayaa muwadiniin reer Somaliland ah. Wuxuu bixinayaa cashuur. Wuxuu wax ku kordhinayaa wareega dhaqaalaha. Wadan inaga oo kale ah waxaa ku waajiba inay si fiican u soo dhaweeyaan qof kasta oo maal gashi la yimaada tiiyo shuruucda la raacaayo. Maaha in marka la arko ganacsi qof leeyahay oo si fiican u shaqaynaaya la damaaciyo oo la yidhaa waa inaan ka qaadanaa tiiyoo awooda dawladinimo si guracan loogu adeegsanaayo. Yaan dalqada iyo hungiriga waxa la arkine arimaha caqli iyo xikmad ha lagu daro. Waajib ayaa xukumada ka saaran inay dhawrto xuquuqda dadka dalkan maal- gashanayaa iyo sumcada Somaliland ee maalgashigaba.
Xooghayaha xisbiga Waddani

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.