Argagixisadii Ina Cabdulle Xasan wadan jiray

0
Waa maxay Ahli Sunnah wal Jamaacah?Ibraahim Hawd

Argagixisadii Ina Cabdulle Xasan wadan jiray kolkii umadda Soomaaliyeed la gu dul qarameeyay xilligii Kacaanka la qabyaaladeeyay, Daraawiish waxaa la ga dhigay Daarood mujaahidiin ahaa. Dhab ahaan se 90% dadkii Daraawiishi halaagtay iyo 90% dadkii Daraawiish la diriri jiray Daarood bay ahaayeen. Naf qabyaaladeed oo meel ay ka baxdo wayday baa meesha taal ee sow ma aragtid? Kolkii argagixisada sidaa la ga dhigay ee taallo loo dhisay dadkiina la liqsiiyay dhinaca kale haddana waxaa loo adeegsaday caayidda iyo gaalaysiinta qabiilooyinka kale ee xintanka hidde iyo siyaasadeed. Isaaqa isaga waxaaba la gu sheegay gaalo Daraawiishtu muslimisay iyo eey Ingiriis oo toodu meel la taabtaba ma lehe, reero kale oo aan badankoodu Daraawiish weligood arag baa arrinka loo la tagay. Tusaale:

Ina Cabdulle Xasan abidkii ma arag meel Raxanweyn deggan tahay oo dhulkooda ma uu gaadhin, laakiin waxaa la falkiyay qiso afxumo ah oo Raxanweyn la gu dullaynayo iyo lahjaddooda. Wax ay yidhaahdeen “Haddee Sayidku wax uu qabsaday Carro Raxanweyn, kolkaas buu afgaran waayay. Dabadeed inta uu tusbax soo saaray buu wayddiiyay ‘waar kan magacii?’ ‘Tisbi’ ayay dhaheen. Kolkaas buu ku yidhi ‘waar waxaasi af ma aha ee berri baan idinku soo noqonayaa ee af muslin iyo af gaalo mid uun aan idiinku imaaddo”. Taasi wax ay sabab u noqotay in lahjadda quruxda badan ee Maayga dadka loo caayo oo goor walba la xaqiro.

Sheekhii weynaa ee diinta faafin jiray ee Sheekh Aways in la dilay, iyo qisada iyo gabayga dilkiisa ku saabsan ee Ina Cabdulle Xasan loo nisbeeyay iyaduna waa caan iyo foolxumo weyn.

Mar kale reerka Hawiye ayaa Ina Cabdalle Xasan loo ga allifay qisooyin la doonayo in la gu xaqiro iyaga iyo afkooda. Wax ay yidhaahdeen mid Hawiye ah baa yidhi ‘ Sayidii, gabay aa i haaya’. Bal gabay buu ku yidhi inta uu indh quudhsi leh ku eegay. Dabadeed kii Hawiye waxaa la ga yeedhsiiyay maadays foolxumadiisa qosolku kaa dhammaanayo. Hadda ogow oo maansadii Hawiye ee waagaas haddii aad eegto sinaba u ga ma dhacdo tii Soomaalida kale.

Argagixiso waa argagixiso, laakiin u gu yaraan Alshabaab umadda ma caydo kkkkkkkkkk

WQ: Ibrahim Hawd

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.