Aragtida Somaliland Ee Khilaafka Somalia & Kenya

0
Aragtida Somaliland Ee Khilaafka Somalia & Kenya

Aragtida Somaliland Ee Khilaafka Somalia & Kenya
Dawladda Somaliland ayaa ka hadashay mawqifkeeda khilaafka dhinaca badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya waxaanay ugu baaqday labada dhinac in ay wada hadal nabadeed ku dhammaystaan khilaafkooda.

Danjiraha Somaliland u fadhiya xarunta Kenya ee Nairobi Amb Baashe Cawil X Cumar ayaa wax laga waydiiyay khilaafka waxaanu yidhi “Arrintaasi mid inoo taalla maaha. waynu ka wada dheregsanahay in Somalia iyo Kenya bad isku hayaan, waxa kale oo jirta inaga(Somaliland) iyo Somalia in aynu qaddiyad isku hayno oo aynu kala baxayno, waxa aynu isku hayno inaga ayay gaar inoo tahay, iyaga iyo Kenya waxay isku haystaana iyaga ayay gaar u tahay,” Sidaas ayuu yidhi Amb Baashe.

Amb Baashe Cawil Oo Ka Hadlay Hirdanka Guddoomiyaha Kulmiye

Waxa uu intaasi ku daray in aanay Somaliland meeli uga bannaanayn khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Nairobi “ Anigu waxaan qabaa in aanay Somaliland meeli uga bannaanayn khilaafka Somalia iyo Kenya aan ahayn waa laba dal oo jaar ah ee in ay khilaafkooda ku dhammaystaan si walaaltinimo ah waayo hore ayaa loo yidhi jaarkaaga ma dooran kartid, marka haddii ay caynkaa tahay oo aan meel la kala tagayn waxa wanaagsan  in walaalnimo iyo nabadgalyo jaarku ku wada noolaadaan ta aynu jecel lahay in ay arrimahooda ku dhammaystaan,” sidaas ayuu yidhi danjire Baashe
“Somaliland Ma Khuseeyo Muranka Badda Ee Somalia iyo Kenya
Soomaaliya iyo Kenya ayaa kiiskooda muranka baddu horyaalla maxkamadda Caddaaladda Adduunka. Muqdisho ayaa doonaysa in ay maxkamaddu ka garnaqdo khilaafka halka Nairobi doonayso in wada hadal iyo walaalnimo lagu dhammeeyo arrinta waxaanay u muuqata in mawqifka Somaliland u xaglinayo dhinaca Kenya.
Aadan Barre Ducaale Oo Codsi Ku Saabsan Muranka badda U Diray Uhuru Kenyatta
Geesta kale Amb Baashe waxa uu sheegay in aanu khilaafka Kenya iyo Soomaaliya iyo xidhiidhkooda xumaaday wax saamayn ah ku lahayn Somaliland, islamarkaana xidhiidhka Somaliland iyo Kenya ku qotomo xidhiidhka soo jireenka ahaa iyo kan la doonayo mustaqbalka ee la sii xoojinayo.
Sooraan & Daaha Oo Riwaayad Ka Metelay Muranka Badda Somalia & Kenya

Xigasho: Bulshotv

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.