Anigu ma ihi nin dhaqaale soo doontay

0
Anigu ma ihi nin dhaqaale soo doontay

Anigu ma ihi nin dhaqaale soo doontay, waxaan u imi in aan bulshada u adeego wixii awoodeyda ah.

Hadalkan waxa yidhi, Dr. Cali Ciise Cabdi oo Garoowe lagu soo dhaweeyey, waxa la rajeynayaa in uu ka mid noqdo Murashaxiinta u tartameysa kursiga Madaxtinnimo ee Maamulka Puntland oo tiradoodu kor u dhaaftay 20 Murashax. Wuxuuna noqon doonaa Murashaxii ugu horreeyey ee ka soo jeeda gobalka Sool kana mid ah aasaaseyaashii Maamulka Khaatumo.

Cali Ciise wuxu takhasuskiisa aqooneed ku soo qaatay cilmiga dhaqaalaha, waxaana uu wax ka soo taray dhaqaalaha dalal badan oo uu ka soo shaqeeyey isaga oo xiliganna wax badan ka soo qabtay nidaamka Maaliyadda iyo Baanka dhaxe ee Somaliya.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.