“Anigu Ma fahmayo Sababta Madaxda Afrika Kursiga Isugu Dhejiyaan Marka Xilligoodu Dhamaado”

0

Madaxwayne Obama ayaa hogaamiyayaasha Africa ujeediyay khudbad taabanaysa xaqiiqooyinka hogaaminta dalalka Afrika, ku tacadiga xuquuqda aadmaha, cabudhinta xorriyada saxaafada iyo hirgelinta dimoqraadiyada, kuwaasoo uu sheegay in kaga dhabayntoodu fure u tahay dawlad wanaagsan.

Khudbada Obama oo ahayd tii ugu horaysay ee madaxweyne maraykan ahi ka jeediyo xarunta Afrikaanka ee Addis Ababa, wuxuu ku sheegay in Afrika aanay gaadhi karin horumar hadii hogaamiyayaasheedu ay diidaan in ay xukunka ka degaan marka xilligoodu dhamaado. “Anigu ma fahmayo sababta sababta ay madaxda afrika waqti dheer kursiga ugu fadhiyayaan. Ma jiro qof weligii madaxweyne ahaanayaa. Laakiin,hoggaamiyayaasha Afrika ma jecla in ay xilka ka degaan marka uu xilkoodu dhamaado, waxayna jecel yihiin inay dalka iska sii hogaamiyaan, markaa sidee lagu gaadhi karaa dimuqraadiyad, horumar iyo xornimo”ayuu yidhi Obama

Sidoo kale, Obama wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi, “Sidee loo gaadhi karaa dimuqraadiyad, marka loo hanjabo ururadda u dooda xuquuqda aadamaha, marka la xidhxidho saxafiyiinta, doorasho magac uun ahi maaha dimoqraadiyad, markaa miyaanay ahayn in dimuqraadiyaddu magac uun tahay ee aanay ahayn dhab jirta.”

Dhinaca kale Obama mar uu ka hadlayay hogaamiyaha wanaagsan,wuxuu tusaale fiican u soo qaatay  Nelson Mandela. “Waad aragteen Nelson Mandela hogaamintiisii, wuxuu tusaale fiican u yahay hoggaamiyayaasha afrika, marka aynu tixgalinayno kuwa kale, waxaynu noqonaynaa xor”.

Geesta kale Obama waxaa soo qaatay ilaalinta Haweenka oo uu sheegay in laga hadho caadooyinka xunxun ee guurka Gabdhaha yaryar sida 9jir,10jir,11jir taaso uu ku tilmaamay mid aan u wanaagsaneyne dhaqanka fiican ee Afrika islamarkaana la`ilaaliyo waxbarashadda Haweenka si ay wax u la qeybsaadaan Ragga

Gabagabadii hadalkiisaa taariikhiga ahaa wuxuu ugu baaqay madaxda afrika, in ay ilaaliyaan xuquuqda iyo karaamada dadkooda, isla markaana hantida shacabka oo hogaamiyayaasha afrika ay musuqmaasuqaan. “ Haddii aynu doonayno bulsho horumar samaysa, waa in aynu ilaalinaa hantida shacabka ee la musuqayo ee loola baxo banaanka. Waxa lacagtaa loo adeegsan karaa dhismaha iskuulada iyo cusbitaaladda.” Ayuu yidhi.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.