“Aniga Taladdayda Waxay Dawladnimadu Ku Wanaagsan Tahay Markay Kooban Tahay, Dawladna Looma Arko Wasiiro Batay Iyo Xilal Batay, Uma Arko Inay Keenayso Wax-Tar”

0

Hargeysa (Sayruuq)-Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalku marayo, loolanka Xisbiyada, Salaadiinta ku milmay Siyaasada ee la kala saftay Xisbiyada,aqoonta uu u leeyahay Musharixiinta ku tartamaya Doorashada Madaxtooyada Cabdiraxmaan Cirro, Muuse BIixi, Faysal Cali Waraabe, xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha iyo waxa ka jira inuu Muqdisho tagay.

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku waajahan sicir bararka, qiimaha sarifka ee aan xalka loo helin iyo Wasiiradda xad dhaafka ah ee Xukuumaddan Siillaanyo iyo qodobo kale oo badan, waxaanu wareysigu u dhacay sidan

Xisbiyada loolan adag bay ku jiraan oo dhaliilo iyo eeddaymo ayuu ololahoodu u badan yahay markaas maxaad ugu baaqi lahayd?

Waxaan ugu baaqayaa in hogaamiyayaasha Siyaasadu inay iska ilaaliyaan hadalada naxliga ah, oo shacabka reer Somaliland kala fogeyn kara, oo wada jirka iyo walaaltinimada dadkana kala dilaya, oo ha ku tartamaan horumarka dalka iyo siyaasadaha ay ku bartamayaan nin waliba wuxuu ka qabanayo haddii ay Waxbarasho tahay, haddii ay Nabadgalyo tahay, haddii ay difaaca dalka tahay, haddii ay caafimaad tahay, waxa daruuriyaadka ah ee dawladnimadu u baahan tahay, in lagu baratamo, oo aan cay iyo hadalo aan meesha qaban la is weydaarsan ayaan kula talinayaa.

Shacabka reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa in abaabulka iyo u diyaar-garawga iyo ololaha tartanka Madaxweynimada, ee imika inagu soo socota in si wanaagsan oo habsamiya, oo wadanimo leh oo nabadgalyo ah, ay ugu diyaar-garawaan,cid walibana si wanaagsan uga qayb gasho, si aanay dalka nabadgalyadiisu inooga xumaan, oo Dimuqraadiyadii iyo Doorashooyinkii sida wacan inoogu dhici jiray ee Somaliland caanka ku ahayd waa inay si fiican Doorashadana inoogu dhacdaa.

Beeshii Caalamku aad bay ula socdaan loolanka Xisbiyada, iyo ololahooda, Doorashadana dabcan goob joogayaal bay u soo direen, markaas ka waran aragtida Beesha Caalamka ee Doorashadan?

Adduunka aad buu ula dhacsan yahay, muddo dheerna wuu la dhacsanaa nidaamka Dimuqraadiyada ee aynu ku dhaqano, haddii ay noqoto habka awood qaybsiga, Siyaasada iyo Doorashooyinka, imikana weynu la soconaa oo waxa imanaya dad fara badan oo ajinabiya, oo isha ku haya oo warbixin ka qori doona, markaas waxaan rajaynayaa si aan warbixin xun la inooga qorin oo madax-banaanideena, aqoonsiga iyo magaca aynu doonayno inaynu Adduunka ka helno in aanu inaga qaribin, oo Doorashada si fiican aynu u galno, marka ay dhammaatana si fiican aynu iskugu hanayno, oo cida Doorashada ku guulaysata ee Shacabka reer Somaliland doorto markaas aynu u hayno oo aynu ku hambalyeyno.

Marar badan baa adiga laga baahiyey warar sheegaya inaad safar ku tagtay Muqdisho, markaas maxa wararkaas ka jira?

Haa waan ku arkay Shabakadaha ay dhalinyaradu qorto, balse waa iska dacaayad, waxna kama jiraan waxaas la sheegayo.

Adigu xilkaagii Wasiirnimo waxaad ku weyday taageerada Muuse Biixi oo maanta Musharax ah, markaas xidhiidhka idinka dhexeeya Madaxweynaha ka waran?

Xidhiidhka Madaxweynaha naga dhexeeya waa mid aad u wanaagsan, oo la wada og yahay, Madaxweynaha xidhiidh baanu leenahay, hoggaankiisa iyo dawladda uu odayga ka yahay intaba waan taageersanahay, markiina waa tii arintaas la soo af jaray, aniga iyo Madaxweynuhuna maanta waxaanu dhisaynaa Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo aniga iyo Madaxweynuhu isku mawqif ayaanu ka noqonay Muuse Biixi.

Salaadiintii iyo Madax-dhaqameedkii loo baahnaa inay hawlaha dhaqanka gaar u ahaadan, Siyaasadii ayey ku milmeen, oo Xisbiyadii bay kala taageerayaan, una kala ololeynayaan, markaas sidee ayaad u aragtaa?

Anigu waxaan aaminsan nahay Siyaasadu waxay u dhexeeysa jilayaasha Siyaasada, marka ay Siyaasada noqoto, Odayaashuna door muhiim ah ayey dalka ku leeyihiin, oo ah xagga amniga iyo dhaqanka, balse siyaasada waxa loogu tagalay in Siyaasiyiinta, Axsaabta iyo Taageerayaashadu ay ka doodaan, oo ay ku fiican tahay, laakiin Odayaasha dhaqanka, in hawlihii dhaqanka, midnimada iyo nabadgalyada dalka iyo dadka isku hayntiisa, oo door weyn ku leeyihiin, inay hawlahaas oo galaan, oo khilaafadka dalka ka jira xalintiisa in la soo af jaro ayaa looga bahaan yahay, ee Siyaasada loogama baahna,

Doodii dhexmartay Musharixiinta sidee ayaad u aragtaa?

Horumar weyn baan u arkaa, doodii dhexmartay Musharixiinta, oo waxay muujinaysay bisaylka xagga Dimuqraadiyada iyo afkaar dhiibashada dooda, iyo halka ay Somaliland ka marayso ayey muujinaysay, waxaana aaminsan nahay inay dalka wax tar u tahay, aad iyo aadna waan u soo dhaweeynayaa doodaasi inay dalka ka hirgasho, oo walibana la sii wado, oo sidaas looga doodo wixii dalka dantiisa ah, oo aan la odhan hebel baa si xun u hadlay iyo hebel baa si qariban u hadlay, ee waa in la soo dhaweeya doodahaas furan, dadkuna ay markhaatiga ka noqonayaan kana qayb galayaan, markaas doodaas talaabo wanaagsan oo horumar ah ayaan u arkaayey.

Dabcan aqoon baad u leedahay Musharixiinta ku tartamaya jagada Madaxweyne, Cabdiraxmaan Cirro, Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe, markaas sidee ayey kula muuqdaan?

Saddexdoodaba, waxaan u arkaa inay yihiin Saddex muwaadin oo reer Somaliland ah, oo xushmad iyo ixtiraamba mudan ayaan u arkaa, oo nin waliba Xisbi Madax ka yahay, oo nidaamkii Dimuqraadiyada iyo Xisbigiisa ku baratamaayo, waxaana ka dhexeeya Shacabka reer Somaliland iyo sidii ay cod uga kala heli lahaayeen, markaas Saddexdan Musharaxa, waxay ila muuqdaan inay yihiin Saddex Musharax oo nin waliba inuu tartankaas galo u qalma,.

Marka laga reebo Daahir Rayaale Kaahin, Xisbiyada tartanka galaya, Musharaxa Madaxweyne dhammaan Doorashooyinkii dalka ka dhici jiray Musharaxa Madaxweyne wuxuu ka soo jeedi jiray Beesha Dhexe, halka Musharaxa Madaxweyne ku xigeen uu ka soo jeedi jiray Gobolka Awdal, oo labada Xisbi ee Waddani iyo Kulmiye, waa sidaas, balse Xisbiga UCID, Doorashan la mid maaha, waxaanu Faysal Cali Waraabe doorkan Musharixiisa Madaxweyne ku xigeen ka dhigtay Masuul ka soo jeeda Gobolka Sool, sidee ayaad u aragtaa?

Waa talaabo aad iyo aad u wanaagsan, waxayna muujinaysaa Somaliland wada lahaanshaheeda, waxaan u arkaa in Xisbiga UCID Musharixiisa Madaxweyne ku xigeen inuu ka soo jeedo Gobol Sool, talaabo aad iyo aad u wanaagsan, mustaqbalkana mudan in lagu daydo in halkaas iyo meelo kaleba, heshiiskii iyo gogoshii nabadeed ee uu Madaxweynuhu u furay Bulshada Sool iyo meelo ka mid ah Sanaag, muddo socdayna waxaan u arkaa talaabo fiican, ilaa hadda wixii ka soo baxay wada hadaladaasi waxay muujinaysaa midnimada iyo isku soo dhawaansha dadka reer Somaliland oo dhan, wada hadaladii in muddo ahba socoday, in imika soo xidhmo aad iyo aad baan u soo dhaweeynayaa

Xukuumaddan Axmed Siillaanyo, oo muddo xileedkeedu uu dhammaad ku dhaw yahay maalmo yarna ka hadheen, wax badan oo ay dalka ka qabatay ayaa jira, balse waxa xaqiiqo ah in muddadii todobada sanno iyo badhka ay taladda dalka maamulaysay in sicir bararka iyo qiimaha sarifka uu halkii ugu sareeysay gaadhay, halka ay ka noqotay Xukuumaddii ugu tirada badnayd dhinaca Wasiiradda iyo iyo la Taliyayaasha Madaxweynaha, labadan qodob inay jiraan ma garwaaqsan tahay?

Xukuumaddani waxaan aamisan nahay in qorshihii ay markii ay taladda dalka ku guulaystay inay wax badani ka hirgaleen, laakiin waxa jira in badan oo qabyo ah, oo u baahan dhamaystir iyo in wax laga qabto, arimaha dawliga iyo baahida dalka taala kuma dhammaan karto Madaxweyne mar qudha haystay, mid laba haystay iyo mid saddex haystay toona, waana wax joogto ah oo sii badanayaa, markaas waxaan is leeyahay wax la qabtay wey jiraan, wax u haaban in la dhamaystiraana wey jiraan iyo wax kale oo cusub oo uu dalku u baahan yahay, arimahaas aad taabatay marka ay noqoto sarifka lacagaha qalaad iyo qiimaha shilinka Somaliland leeyahay, waxaan is leeyahay waxay arintaas xidhiidh la leedahay Ganacsiga guud ahaan Adduunka la leenahay, oo meelaha qaar is dhimay, xoolihii oo muddo badan xidhnaa, lacag fara badan oo qaad aan loo baahnayn dalkeena kaga baxa, taas oo keentay markaas in lacagtii qalaad ay aad qaali u noqoto, iyo inuu shilinkii Somaliland jabo, arintaasina wax ka qabasho ayey u baahan tahay, insha-allaahna waxaan rajaynayaa in arintaas laga gudbi doono oo aanay saamayn xagga dhaqaalaheena.

Aniga taladdayda waxay ila tahay inay dawladnimadu ku wanaagsan tahay markay kooban tahay, Dawladna looma arko Wasiiro batay iyo xilal batay, uma arko inay keenayso wax-tar, ee dawladda wanaageeda, quruxdeeda, wax-tarkeeda iyo wax-qabadkeeda waxay ku haboon tahay inay Wasiiradii kooban yihiin.

Wada Hadaladii Somaliland Iyo Somaliya, Adigu Hore Ayaad Uga Qayb Gashay, Adgoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ah, Laakiin Ugu Dambayntii Fashilaad Ayey Ku Dhammaadeen, Wax Midho Dhal Ahina Kamuu Soo Bixin, Ee Labada Dhinaca Yaa Sabab U Ah In Wada Hadaladu Istaagan?

Wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya, ee muddaba socday waa kuwii istaagay bishii saddexaad ee 2015, oo ah muddo aad u dheer, anigu intii aan ka maqnaa Wasaaradda Kharaajiga shir ilaa laba shir baa iga dambeeyey, kuwaana waa lagu kala kacay, masuuliyiintii ka socday Xamar iyo Somaliya ayaan aaminsan ahay inay xilkasnimo weyn iska saarin arintaas, waana nasiib daro waayo haddii la wada hadlaayo waxa loo baahan yahay inay labada geesoodba daacad ka yihiin, inay diyaar u yihiin in xal laga gaadho waxaas ay ka wada hadlayaan iyo inay diyaar u yihiin arinka ay ka wada hadlayaan, markaas inta taas la helayo wada haladu micno yeelan maayan, ee waa inay Somaliya daacad ka ahaata wada hadalada, oo aanay u noqon arin muhiimada weyn lahayn, waxa kale oo loo baahan yahay in la helo dhex-dhexadiyayaal dal iyo laba midna ahay, oo badan, isla markaana dhex-dhexaadkaas daacad laga ahaada oo aan dhinac la raacsanayn.

Xigasho Wargeyska Geeska

Sayruuq News

Xafiiska Hargeysa

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.