ANIGA IYO MAAYAR SOLTELCO..

0

ANIGA IYO MAAYAR SOLTELCO…

Dhacdo aanan hore waxba uga qorin oo na dhex martay Maayar Soltelco ayaan imika u arkay in ay tahay xilligii ugu habboonaa in la tabiyo.

Soomaalida murtiyaheedii garsoorka waxa ka mid ahaa “Gaal dil gartiisana sii!” muddo siddeed bilood ku dhaweyd ayaan aniga iyo asaxaabtaydu si xidhiidh ah wax uga qoraynay dhalliisha Dawladda Hoose ee Hargeysa. Si gaar ahna Duqa caasimadda Cabdiraxmaan Soltelco, ololahaa dadkii ugu qoraalka badnaa baan ka mid ahaa. In Maayarku barnaamijkii qanci dadkaaga horyimaadna culays mug leh baan ku saaray qof ahaan. Intaas oo na dhex martay ayaan Maayarka Hiddo-dhawr si lama-filaan ah ugu kulannay, maalintaa wuxuu i yidhi:”Dhalliishayda iyo waxqabadkayga labada ba qor. Laakiin ha bartilmaameedsan dhalliisha uun.”

Muddo kaddib ayay marti 18 qof ahayd oo bahdii hal-abuurka ah Gobolka Sool ka soo kicitimayay ii sheegeen in ay Hargeysa iigu imanayaan bandhig buugna ay u socdaan, habeenkaa waxa aan la hadlay Cabdiraxmaan Soltelco Duqa Magaalada Hargeysa. Sidan ayaan u wada hadalnay;

ABRAHAM: Hello. Asalaamu-calaykum Maayar.
SOLTELCO: Helo. Wacalaykuma-salaam Naasir.
ABRAHAM: Waar qodaxi meesheede! magaalada aad Maayarka ka tahay marti mug leh baa ku soo socota, waa bahdii hal-abuurka, bandhig buug bay u imanayaan in aad martidaa ila soo dhaweyso ayaan kuu soo wacay.
SOLTELCO: Maxaad aniga iiga baahan tahay?
ABRAHAM; Waxa aan kaa doonayaa afar arrimood oo kala ah…

● In aad martidaasi markay Hargeysa soo galayaan nala soo dhaweyso.
● In aad martida deegaankooda inta ay Hargeysa joogaan qabto.
● In aad kharashka hudheelka buugga lagu bandhigayo bixiso.
●in aad habeenka bandhigga timaaddo buugtana aad wax ka iibsato si ay dhiiri-gelin ugu noqoto.

SOLTELCO: Intaa ba waan qaatay, Maansoor tag oo ila soo hadashii kaddibna xafiiska iigu kaalay.

Anigu waxa aan ka filayay in Maayarku ugu horreyn gocdo qoraalladii aan ka samayn jiray iyo in uu yidhaa garabkaa maanta waan ku siinayaaye dib waxba ha iiga qorin.
Dhammaan ballamihii uu qaaday sidoodii ayuu u fuliyay, wixii aan anigu ka fududeeyay mooyaane. Hawshii oo badhtanka maraysa ayaan dhalliil aan Dawladda Hoose ee Hargeysa ku arkay soo qoray, waxba kama beddelin geeddi-socodkii hawsha, haddii laga tagi waayo Maayarka mar aan Dhoola-yare Hotel isku aragnay ayaan wajigiisa ka dareemay in uu dhibsaday. Illaa hadda dammaanad iga ma haysto, iga mana codsan in aan u xil qariyo haddii aan gol-dalool ku arko shaqadiisa, berrina haddii Alle innagu simo la arki doonaa aniga oo shaqo uu Maayarku ka gaabiyay sheegaya. Xilliganna aniga ayay ila qummanaatay in aanan libkiisaa kala masuugin aniga aad iskugu kalsoon oo aan ka baqayn in la igu eedeeyo.

Dhacdadan waxa aan idiin la wadaagay inta ogaalkayga ah guud ahaan guddoomiyayaasha degmooyinka Somaliland in uu ugu dulqaad badan yahay Maayarka Hargeysi. Guddoomiyayaasha qaar wax qabad badan oo haddii arrin idin dhex maro in ay kuu gacan qaadaan ay suuro tahay ayaa jira. Halka kuwa kale na ay muddo sannad gudihii ah ku xidheen dad ka badan 40 qof oo dhalliilay shaqadooda. Hadda ba wax qabadkiisu ha yaraadee xaggaa Soltelco waa ka gob.

Kuwa warbaahinta ka caytamayna waxa aan odhan lahaa dushu madaxnimada waa ka qayb weyd nin madax ah fudayd looga wacan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.