Amiirro iyo Wasiiro Musuq Lagu Eedeeyay oo la Xix-xidhay iyo Maal-qabeen Caan Ah iyo Wasiirkii Xaraska Sucuudiga oo ka mid ah .

0

Riyaad(Sayruuq)-Maal-qabeenka caanka ah ee reer Sacuudi al-Waleed bin Talal ayaa ka mid ah 11 ruux oo u badan amiirro kuwaas oo lagu eedeeyay musuq islamarkaana qaabab kala duwan xabsi toos iyo mid guri loogu kala xidhay.

Wasiirka Ciidamadda Xaraska Amiir mutcab binu cabdalaha oo ah wiilkii uu dhalay boqorkii hore boqortooyadda Sucuudiga Boqor Cabdalle ayaa ku jira qolyaha la xidhxidhay islamarkaana xilka laga xayuubiyey .

Xukuumadda Sucuudiga ayaa qaaday ololahan musuqmaasuqa lagula dagaalamayo, waxaana lagu soo xidhay toban Amiir oo ay ku jiraan 5 wasiiro xilka laga xayuubiyey hadda iyo sidoo kale tobanaan wasiiro hore ahaan jiray.

Talaabadan ayaa la sheegay in looga golleeyahay in lagu cidhib tiro musuqmaasuqa kusoo badanaya dalka Sacuudiga.balse geesta kale marka laga eego waa taalaabo jidka loogu banayanaayo dhaxal sugaha soddon jirka ah .

Dhaxal sugaha taajka boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, oo gudoomiye u ah guddi cusub ee la dagaalanka musuqmaasuqa loo xil saaray ayaa u muuqda mid farriin u diraya ragga siyaasadda kaga soo horjeeda.

Dhanka kalena warbaahinta Sucuudiga ayaa sheegtay in milatariga dalkaasi ku soo riday meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee magaalada Riyaad gantaal ay masuuliyiintu sheegeen in laga soo ganay dalka ay deriska yihiin ee Yemen oo fallaagada Xuutiyiintu kula dagaalamayaan xukuumadda Sucuudigu taageero.Xuutiyiintu tiro gantaalo ah ayay ka soo rideen xadka labada dal u dhexeeya laakiin midna ma soo gaadhin xarumaha waaweyn ee shacabku deganyihiin.

Isku soo wada duubo talaabadan ay qaadeen Boqor Salmaan iyo wiilkiisa Dhaxalka sugayaa ayaa ah dagaal uu gudaha sucuudiga iskaga furay halkii hore ay jabahad kale kaga furnayd dagaalyahanadda xuutiyiinta ,waa markii u horeeysay ee boqortooyaduu xaalad noocan oo kale ahi ku talaabsato ,maadaamo la maraayo jiilkii saddexaad ee boqortoyadda .

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.