Amiirka Qadar Oo Telefoon Kula Hadlay Farmaajo

0
Amiirka Qadar Oo Telefoon Kula Hadlay Farmaajo

Amiirka Qadar Oo Telefoon Kula Hadlay Farmaajo

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Amiirka dalka Qadar, Amiir Tamim bin Hamad Al Thani ayaa wada-hadal ku yeeshay telefoonka,sida ay ku warrantay wakaaladda wararka u faafisa dowladda Qadar ee Qatar News Agency.

Wada-hadalka oo dhacay habeenkii Salaasada waxa uu la xidhiidhay Salaan iyo isu hambalyeynta bisha barakeysan ee Ramadaan oo maalinimadii Isniinta ee toddobaadkan billaabatay,balse ma bixin Qatar News Agency faahfaahin inta ka badan iyo haddii labada mas’uul ay arrimo kale ka wada-hadleen.

Ma jirto warbixin ka soo baxday dhinaca madaxtooyadda Soomaaliya oo looga hadlay wada-hadalka ay yeesheen madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamim bin Hamad,kaas oo ku soo aadday xilli uu madaxweynaha Soomaaliya ku suganyahay magaalada Garoowe halkaas oo uu ka socdo shir wada-tashi ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.

Qadar waxaa ay ka mid tahay dalalka sida dhow u taageerra dowladda Soomaaliya, waxaana dalkan yar ee ku yaalla khaliijka lagu tilmaama inuu door ku leeyahay siyaasadda Soomaaliya.

Qadar ayaa la rumaysan yahay in ay uga dhawdahay Farmaajo xulufada Sucuudiga mana cadda in xilligan oo Farmaajo wajahayo mucaaradad kaga imanaysa maamul gobolleedyada u baahday gacan uu ka helo Qadar iyo in kale.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.