Amiir Maansuur Binu Muqrin Oo Ka Tirsan Boqortooyadda Sucuudiga Oo Ku Dhintay Shil Diyaradeed.

0

Riyaad(Sayruuq)-Warbaahinta boqrtooyadda Sucuudiga ayaa sheegaysa in amiir Mansuur binu Muqrin  oo ka tirsan boqortooyadda dalkaasi iyo dhawr sarkaal oo kale ay ku dhinteen shil diyaarad ku burburtay meel u dhow xuduudda u dalkaasi la waado jamhuuriyadda Yaman.

Diyaaradan buburtay oo warkeedu haysto bogaga bulshadu ku kulanto ayaa lagu sheegay in ay tahay nooca qumaatiga u kaca ee Heelikabtarka loo yaqaan ,waxaanay ku dul buburtay meel u dhow magaaladda Abhaa eek u taal koonfurta dalkaasi .

Amiir Mansuur Binu Muqrin ayaa ahaa ku xigeenka badhsaabka gobolka Casiir ,waxaana dhalay dhaxal sugihii hore oo ka horeeyay dhaxal sugihii lagu khasbay in uu xilkaasi ka tanaasulo ee Naayiif ,amiirkan dhintay aabihii ayaa ah amiiradda u dhaga nugul ,dhaxalsugaha soddomiye jirka ah ee Maxamed Binu Salmaan .Sababta burburka diyaaradda ayaa ilaa haatan cadyen .

Sucuudiga ayaa hormuud u ah xulufo caalmi ah oo dagaal kula jira maleeshiyaadka falaadadda Xuutiyiinta ee dalka Yaman.

Maalintii sabtidii ayay aheyd markii Militariga dalkaasi Sucuudigu uu toogtay soona riday gantaal lada soo tuuray dhanka dalka Yeman.

Sayruuqnews

Xafiiska Hargeysa

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.