Amb Berlanga”Waxaan Xisbiyada ku dhiirigelinayaa Waddadaa Midnimada inaad haysaan.”

0

Nicolas Berlanga Martinez waxa kale oo uu ka hadlay Midnimada Xisbiyada Qaranka ee dhinaca in doorashadu ku qabsoonto xilligii loogu Talo-galay, waxaanu sheegay inuu arrintaa bogaadinayo, soona jeedinayo in midnimadaasi sii waarto.

Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya oo ugu horrayn ka hadlaya Midnimada Shacabka reer Somaliland wuxuu yidhi  “Markaynu ka hadlayno Midnimada, Jecelow ama ha Jeclaanin Midnimada Bulshada reer Somaliland maaha sidii ay ahayd 2016-kii, Doorashadii 2017-kii ama 2005-tii markii doorashadii Baarlamaanku dhacday, midnimadiinu halkii ma taagna (Maanta)…”

Ergaygu waxa kale oo uu ka hadlay sida Xilligan Xisbiyada Somaliland ugu midaysan yihiin In doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo “In badan baa laga hadlay Midnimada Xisbiyada, in badan baan Markhaati u ahaa Tafaraaruqa dhibaatadii uu keenay iyo siday Xisbiyadu ugu midaysan yihiin imika in doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo, waxaan Xisbiyada ku dhiirigelinayaa Waddadaa Midnimada inaad haysaan.” ayuu yidhi.

Geeska Afrika

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.