Amar Alshabaab Soo Saartay Oo Ka Dhaqan Galay Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya

0
Amar Alshabaab Soo Saartay Oo Ka Dhaqan Galay Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya

Amar Alshabaab Soo Saartay Oo Ka Dhaqan Galay Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya

Al-Shabaab ayaa mar kale amaro ku aadan in la xiro ku soo rogay garoomada yar yar ee lagu ciyaaro kubadda cagta ee ku yaala degmooyinka ku dhow dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Amarka Al-Shabaab oo horay uga dhaqan galay degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa, Kaaraan iyo Dayniile ayaa hada u muuqda mid ku soo faafay degmooyinka kale ee badhtamaha Muqdisho.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Xaafadaha Hodan, H/wadaag, Waabari iyo Wardhiigley ayaa sheegaya in xalay Al-Shabaab la soo xidhiidheen Milkiilayaasha Garoomada kubadda cagta ee ku yaalla degmooyinkaas, kuna amreen in la xidho.

Garoomada lagu amray in la xidho ayaa ku yaalla agagaarka Wadada Maka al-Mukarama illaa agagaarka Madaxtooyada, waxaana si isku mid ah loogu wargeliyay inay joojiyaan illaa amar dambe.

Garoomada yar yar ee roogga fidsan ee lagu ciyaaro kubadda cagta habeen iyo maalin ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo kordhay, waxaana uu nuuc ganacsi oo dhalinyarada ku ciyaareysa lacago looga qaado saacadiiba.

Xigasho: Jowhar

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.