“Amakaag, Yaab Iyo Argagax Weeye Arrinta Ra’isal Wasaare Khayre,” Prof Cabdi Ismaaciil Samatar

0
“Siyaasada Somalia Ka Socota Waa Nijaas,”Prof Samatar

“Amakaag, Yaab Iyo Argagax Weeye Arrinta Ra’isal Wasaare Khayre,” Prof Cabdi Ismaaciil Samatar

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo si dhaw ula socda xukumadda Soomaaliya ayaa si kulul u dhalliilay nidaamka Madaxweyne Farmaajo iyo ra’isal wasaare Khayre hoggaaminayaan waxaanu arrin laga yaabo ku tilmaamay in aanay Somalia waxba ka ogayn heshiisyada dhexmaray Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya ee maalgalinta dekedda Berbera.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo saxeexayay heshiiska saddex geesoodka ahaa ee Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda Imaaraadka ee Dp World ayay maalin Imaaraadka wada gaadheen ra’isal wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre oo ay weheliso wasiirkiisa dekedaha waxaanay ka soo wada laabteen isku maalin. Khayrre ayaa markii uu Muqdisho ku laabtay sheegay in aanay heshiiska ogolayn, islamarkaana aanay waxba ka ogayn.

Arrintan ayaa tuhun ku abuurtay bulshada Somalia oo ka shakisan in ay heshiiska wax ka og tahay xukumadda Somalia waxaana arrintaas la waydiiyay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo telefishanka Universal u warramay waxaanu yidhi “Amakaag, yaab iyo argagax ayaa lagu macnayn karaa arrintaas. Xukumadda Farmaajo iyo Khayre lama arag siyaasad arrimo dibadeed oo ay soo bandhigeen. Ra’isal wasaaruhu marka uu tagayo Imaaraadka sidee buu u ogaan waayay in meesha heshiis Itoobiya qayb ka tahay lagu saxeexayo, wasaaradda arrimaha dibadda iyo dadka Xasan Khayre la taliya in aanay war ka hayn waxa socda mid weeye. Haddii uu ogaa ra’isal wasaaruhuna isagana ceeb ugu filan dalkana u daran,marka dhanka aad u qaadaba waa wax indho la’aan lagu wado ama wax aan umadda u qalmin loo qarinayo labada mid weeye,” Sidaas ayuu yidhi.

Prof-ka ayaa sheegay in hadalka Somalia noqonayo hadal dabayshu qaadayso haddii ay tallaabo qaadayaana ay tahay in ay dacwad caalami ah ku oogaan Imaaraadka iyo Itoobiya. Waxa kale oo uu sheegay in Imaaraadku caddaystay in uu xukumadda hilfaha u laabo haddii ay isku daydo in ay ka hor timaaddo danihiisa, horena ay baarlamaanka iyo maamul goboleedada ula macaamishay iyada oo lacago siinaysa.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.