AMA TALO KEENA AMA TANBA QAATA: Cali Guray

0
“Dalkan Doorasho Ka Qabsoomi Kartaa Ma Jirto Eh Yaan Dadka Been Loo Sheegin,”

AMA TALO KEENA AMA TANBA QAATA: Cali Guray
Arinta ay wada jirka u soo jeediyeen labada xisbi mucaarid marka aynu garanayno sababta uu Kulmiye ugu gacan saydhay waxan is leeyahay xal dhexe oo ah in la wada guulaysto (win win solution)een dhinc guulaysta iyo dhinac laga guulaysto ahayn waa la heli karaa.

Kulmiye wuxu arkayaa todobadan xubnood in labada xubnood ee mucaaridku soo magacaabeen ay isku reer yihiin oo Cirro iyo Faysal ay soo kala magacaabeen. Taas ayaa waxay keentay in todobadii xubnood ay shan ka mid ahi ka soo jeedaan beesha dhexe keligeed, halka beelaha Somaliland ee kale oo dhan ay heleen laba xubnood oo keliya.

Hadii laba xubnood oo kale mucaaridka loogu daro ma jirto wax u diidaya labada gudoomiye xisbi ee mucaaridku in hadana laba kale oo isla sidii hore isku reer ah ay soo magacaabaan hadii sidii ay u soo jeediyeen lagu aqbalo taas oo markaa dheeli dheeli saaran iyo dheeli laba jibaaran ah. Dhan kaleba adigoon ka eegin beesha dhexe saw todoba xubnood yeelan mayso beelihii kale oo dhamina laba xubnood? Taas lama aqbali karo waana halka Kulmiye ka diidan yahay soo jeedinta mucaaridka.
Hadaba arintan ayaan anigu xalkeeda hayaa hadii la isla qaadan karo. Marka hore sadexda xisbi iyagu waxay samayn karaan waa heshiis isfaham ee xeerka iyagu waxba kama bedeli karaan. Qodobada isfahmka ayaa noqon kara kuwan:
1. sadexda xisbi qaran waxay isku raaceen in Komishanka hadda xilka hayaa uu hawlihiisa sii wato in inta ka hadhsan muddo xileedkiisa sharciga.
2. In komishaka kan ka dambeeya tiradiisa lagu daro laba xubnood oo labaduba ay ka imanayaa beelaha aan ahayn beesha dhexe
2. Labada xubnood:
midi waxay gaar u tahay beesha Gabooye ama beelaha la haybsooco, xubinta kalena waxay noqonayaa dumar. Xubinta hore waxay noqon kartaa lab ama dhedig kii ay noqotona saamayn kuma yeelanayo xubinta dambe oo mar kasta iyadu dumar ah
3: Labada xubnood waxa wada jir u soo jeedinaya labada xisbi mucaarid waxanay qoraal ugu gudbinayaan Madaxwaynaha JSl.

Madaxwaynuhu labada xubnood ama midkood hadii uu u arko in aanay ku haboonayn ama aan buuxinayn shuruudihii xubinnimada komishanka dib ayuu ugu celin karaa si ay u soo bedeshaa. Sida xubnaha kale ee Komishanka mar kasta ogolaanshaha Madaxwaynaha ayaa shardi ah.

Madaxwaynuhu wuxu awood gaar ah u leeyahay hadii komishanku noqon waayo mid dhex ah ama aan gudan karin hawlihiisa in gebi ahaanba kala diri karo oo mid cusub dib loo soo magacaabo.

labadan xubnood markuu magacyadooda helo Madaxwaynuhu waxa hadan ku xigaya sedexdii xubnood ee sedexda xusbi. Marka Madaxwaynuhu uu shantaa xubnood helo waxa hadaba ku xigaya sadexdii xubnood ee Golaha Guurtida. Sideedaa marka uu Madaxwaynuhu wada hubiyo ayuu xubintii uu lahaa isaguba ku darayaa oo sidii caadiga ahayd Aqalka Wakiilada ugu gudbinayaa si ay u ansixiyaan.

Haddii ay sidaa u dhacdo yaan guulaysan ee laga guulaystay?
Guul dheeraad ah waxay tani u tahay Madaxwaynaha waayo waxay noqonaysaa markii ugu horeysay we beelaha la hayb-sooco iyo dimarku ay laba xubnood oo kooto ah ay ku yeeshaan Komishanka Doorashooyinka. Xagii habrahan ama beeshan dhexe iyo ficiltankooda waxa daboolaya koonishanku wuxu noqonayaa 4 xubnood iyo shan xubnood halka uu hadda ka yahay 2 xubnood iyo 5 xubnood.

Hadii ay sadexda xisbi isla ogolaadaan Sharci dejintu inay waafajiyaan xeerka ma adka iyagu mana gelayaan faahfaahin hoose keliya waxa ku filan in la kordhiyay tiradii komishanka oo laguu daray laba xubnood sida ku faahfaahsan Heshiiska Isfaham ee sedexda xisbi taariikhdaa, sunadiisu balabaa

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.