“Ama Saylici Ahoow Ama Mid Kale Ahaw Codka Reer Awdal Meel Ayuu Maraye Iskaga Durug Walaal” Amb Maxamed Cali Aw Cabdi

0

“Ama Saylici Ahoow Ama Mid Kale Ahaw Codka Reer Awdal Meel Ayuu Maraye Iskaga Durug Walaal” Amb Maxamed Cali Aw Cabdi
Borama (Sayruuq)-Waxa Magaalada Borama Ee xarunta Gobolka Awdal maanta si wayn loogu soo dhaweeyey Wafti balaadhan oo uu Hogaaminayo, Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani Amb.Maxamed Cali Aw-Cabdi isla markaana ay wehelinayeen Hogaamiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan,Gudoomiyaha Ku Meelgaadhka Waddani Xildhibaan C/qaadir Jirde, Xoghaya Guud Ee Xisbiga Maxamed A/laahi Uurcade Iyo Masuuliyiin Tiro Badan Oo Ka Mida Xisbiga Waddani.
Waftiga Uu Hogaaminayo Amb.Maxamed Cali Aw-cabdi ayaa Intii aanay gaadhin Borama waxa soo dhaweyno maamuus iyo milgo leh loogu samayey dila iyo Boorama inta uu dhaxaysa oo ay ku sugnaayeen kumanaan tageerayaal iskugu soo baxay soo dhaweynta waftigaasi.
Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde oo ugu horayn ka hadlay madashii lagu soo dhawaynayay Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa reer Awdal ku dhiirigaliyey inay qayb ka noqdaan isbedelka siyaasadeed ee dalka waxaana uu yidhi:
“Dedaalka ugu wayn idinka ayaa la idinka rabaa, waxaa la rabaa cudud iyo caqli inaan loo kala hadhin”
Sidoo kale Hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadal kooban halkaas ka jeediyey ayaa waxa uu soo jeediyey in la soo dhaweeyo Murashaxa Ambasaddor Maxamed Cali Aw Cabdi, waxaana ka mid ahaa hadalkii Xirsi Xaaji Cali:
“Waxaanu wadnaa oo galbinaynaa Madaxwayne kuxigeenkii Maxamed Cali Cabdi waxaanu rajaynayaa isaga iyo xisbiguba inay guulaystaan Reer Borama waxaanu leenahay maalinbaa inoo ballan ah”.
Ugu dambayn waxaa hadalka soo afmeeray Murashaxa Madaxwayne kuixgeen ee xisbiga WADDANI Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi waxaanu farriimo hanjbaad ah u diray siyaasiyiinta ay isku deegaanka yihiin ee xisbiyada kale ku jira:
“Xisbiga WADDANI wuxu u taagan yahay isbedel oo umadda Somaliland bari iyo galbeed cid waliba ay hesho wixii ay xaq u leedahay” isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:
“”Ama Saylici ahow ama mid sugayaay ahow codka Awdal iyo Selel meelbu maray oo docdii WADDANI ayuu maray ee iskaga durug Walalkay”.
Soo dhaweynta shalay loo samayey waftigan uu hogaaminayo Amb.Maxamed Cali Aw-cabdi ayaa noqonaysa soo dhaweyntii ugu balaadhnayd ee sanadihii ugu danbeyey gobolka Awdal ka dhacda iyada oo soo dhaweyntani ay guud ahaanba gilgishay deegaanada galbeedka Somaliland.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.