Allahayaw balaayadu siday, noogu wada baahday”

0

Nin aad u qalbi wanaagsan, dadnimo iyo wanaagna lahaa, ayaa mar kaste oo uu arko gabadh wanaagsan, oo carmal ah, ama nolol yar adag ku jirta, ayaa wuxu odhan jiray: “Allaw yaa nin iga dhiga aan heblaayana guursado e!”

Xikmad culus ayaa meesha ku jirta e, Allaw nolosha dad badan u fududee si ay guul u gaadhaan, annakana rag naga dhig si aannu dhib badan uga saarno dad badan oo ciillan.

“Wakhtigu nacasaysanaa
Waayuhu yaabbadan ogaa
Dhalintu wejigaradsanaa!

Weelkaagu haddaanu buuxin
Wax saar ku ku qaban ogaa
Weedhaadu itaal yaraa!

Walaalkaa kol ay ku tahay
Baryadu waydaysanaa
Wax hayntu mar fiicanaa!”

Maxaad tidhaahdeen, ‘cusbitaalkii guud ee Hargaysa, ayaa ogsojiin la’aan loogu madhayaa, xukuumaddeenii caqlidarranna madaxtooyo ayay bilkeedaysaa, kuwii Dawladda Hoose na danyartii ayay ku dibiro dhacsanaysaa, mucaaradkiina iyagiibaa feedhka ka gabbanaaya! Aheey ah.

Berigii qabaa’illada la isku layn jiray, ayaa shaw reer waddo laga jabsaday. Waa nool ba waxa ay hayaan ayaa laga mahoobiyi jiray. Subaxdii danbe, ayaa iyaga oo col ku soo socda ka sii guuraaya, ay islaan dumarkii reerka ka mid ahi ku heestay iyada oo awrkeedii raraysa:

“Raggayaga raggii qabaybaa
Laga roori Riiraashaa!”

Odaygii reerka u weynaa ayaa maqlay waxa islaantu ku celcelinayso, suu kuye: “Naa ma annakaa nala qabaa? Naa, naa ma annaka…?” Islaantii kolkay u joojin wayday, ayuu ku xilo furay in reerka la nageeyo, raggana la iska celiyo. Sidii ayaa la yeelay, saa colkii jilbaha loo aastay, sidiina lagaga gol’roonaaday. Waxan sheekadan ku xusuustay, bal idinku rag mucaaradkii dalkooda ugu sarreeyay la dhirdhirbaaxaayo, iyaga maxaad ka filaysaa?

Ninbaa laga hayay:

“Allahayaw balaayadu siday, noogu wada baahday”
Abdikariim Hekimaawi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.