Al-shabaab oo Muslimiinta Caalamka ugu Baaqday in La Beegsado Dhaqaalaha iyo Muwaadiniinta Israel ee Geeska Afrika Ku Baahsan

0

Muqdisho(Sayruuq)- Ururka Al-shabaab ayaa ku baaqay in la Beegsado Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Yuhuudu ku leeyahay Meela badan oo Caalamka ah si loogu Aar-gudo Shacabka Falastiin ee Xamaas lagu Xasuuqay.
Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa dhaliilo u jeediyay Madaxda Dawladaha Carabta iyo Qaramada midoobay oo uu sheegay inay ka gaabsadeen Xasuuqa Yuhuudu ku hayso Shacabka aan waxba galabsan ee Falastiin.
“Yahuuddu waxay isku baahisay caalamka, meel walba ayuu yaal dhaqaalaheeda, sidaa darteed waa in muslimiintu goob walba ku beegsadaan dhaqaalaheeda iyo muwaaddiniinteeda oo ay baabi’iyaan,” ayuu Sheekh Cali Dheere ku yidhi hadal uu Barawe ka jeediyay.
Cali Dheere waxa uu Carabta ku Eedeeyay inay daawanayaan Mushkiladaha Yuhuudu ku hayso Falastiiniyiinta, iyagoo waliba Xuduudahana ka xidhay. Waxa uu sheegay in Carabtu ka baqayso Caddaadis Maraykanka uga Imanaya.
Sheekh Cali Dheere waxa uu si Kulul u Eedeeyay Qaramada midoobay oo uu sheegay inay dusha ka eegayaan Waxa ka socda Qaza, iyagoo uu sheegay inay ku degdegaan Dhibka qabsada Gaalada. Waxa uu sheegay inay yihiin kuwo u adeegga Reer Galbeedka oo kaliya.
Cali Dheere waxa uu sheegay in Waxa ka dhacaya Qaza Tusaale u tahay Shacabka Somalia ee dalkooda ay wadamada shisheeye ku soo duuleen, kuwaasi oo uu sheegay inay dabada ka riixayaan Yuhuud iyo Reer Galbeed. Waxa uu shacabka ugu baaqay inay ka gil-gishaan Duulaanka shisheeye.
source:ramaas

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.