Al-Fanaan Mustafo Kiiko Oo Shacabka Somaliland Ku Boorieyey Adkeynta Amniga.

0

Hargeysa(Sayruuq)- fanaanka caanka ah ee abwaankana ah ee Mustafe Maxamed Waris (Kiiko), ayaa saaka mar uu warmayay wariye Fantastic oo ka tirsan tiifiga somalicabe waxaa bulshadda iyo Axsaabta siyaasadda somaliland ku dhiireyey adkeynta iyo ilaalinta amniga dalka.Musatafo kiiko ayaa bulshadda somaliland ee dal iyo dibada faray in ay qabyaaladda ka fogaadaan .

Sido kale Mustafe kiiko waxaa uu la dardaarmay dhalinyaradda somaliland isgoo sheegay in wacyigalin badan la sameeyay hadana wali dhalinyaradii halkii ka sii miisayaan ,isagoo sheegay in ololaha siyaasadda iyo hadaladda aan wanaagsanayn in aanay dhaafin cibaadooyinka .waxaa uu murashaxiinta axsaabta siyaasadda u soo jeediyey in si qurux badan loo tartamo islamarkaan ay qoraan taariikh wanaagsan oo mahadho leh.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.