Al-Carabiya Oo Ka Faallootay Muhiimadda Somaliland Ugu Fadhido Amniga Khaliijka

0
Al-Carabiya Oo Ka Faallootay Muhiimadda Somaliland Ugu Fadhido Amniga Khaliijka

Al-Carabiya Oo Ka Faallootay Muhiimadda Somaliland Ugu Fadhido Amniga Khaliijka

Telefishanka caalamiga ah ee Al-carabiya ayaa warbixin ka qoray muhiimadda Somaliland ugu fadhido ammaanka Waddamada Khaliijka Carbeed iyo bad qabka ammaanka badda iyo xeebaha Somaliland. Somaliland ayaa doorkeeda ka qaadanaysa xasilloonida gobolka aan degenayn, islamarkaana xidhiidh dhaw oo dhanka dhaqaalaha ah la yeelanaysa waddamada Carabta.

“Inka badan 30 kun oo Maraakiib ah ayaa sanad walba isaga goosha badda cas iyo biyahahaga, Waxaanu u aragna muhiim in aanu ilaalino marinkaasi si uu u furnaado oo xor uga ahaado Budhcad Badeedda. Waxa kale oo aanu u aragna in Saldhigga Militari ee Imaaraadku wax ku soo kordhinayo amniga gobolka,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo waraysi gaar ah siinayay Alcarabiya.

 

Wasiir Sacad oo wax laga waydiiyay sida Somaliland xeebteeda dhereran ilaa 800Km sida ay Budhcad badeed uga bad qabto waxa uu yidhi “Budhcad badeedu waa dambi dhulka ku sal leh. Waxaanu maaraynay in aanay budhcad badeeddu saldhigga ku yeelan dhulka Somaliland. Waxaanu leenahay ciidamada ilaalada xeebaha oo ku filan oo horumaraya waxaanu rajaynayna in Imaaraadkuna sii horumarin doono.”

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland waxa uu sheegay in dad badan u arkaan in xarunta Militari ee Imaaraadku amniga gobolka waxyeelayso laakiin, taas badalkeeda ay wax ku kordhinayso degenaanshaha gobolka. Waxa uu sheegay in ay u muuqato in dib loogu noqday maalmihii xuma ee dagaalkii qabooba sidaas awgeedna joogitaanka gobolka ee Imaaraadku xasilloonida ka qayb qaadanayo.

“Waxaanu jecelahay in aanu maalgashi badan ka helno waddamada Khaliijka, waxaanu jecelahay in aanu aragno gobolka oo ganacsi badan dhexmarayo iyo dhaqaalaha oo is dhexgal badan samaynaya. Waxaanu hayna fursado badan oo maalgashi oo dhinacyo kala duwan ah sida: Waxsoosaarka, xoolaha nool, macdanaha, dalxiiska iyo adeegyada,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad.

The Unrecognized Republic: Somaliland and the Gulf Security

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.