Akhriso Caaisha Wali Lama Aasin, Waa Tuma Caaisha?

0

Akhriso Caaisha Wali Lama Aasin, Waa Tuma Caaisha? Allaha u naxariisto. Please u duceey

• Caaisha Adan Ilyaas Waa Tuma

Waxey dhalatay 12 April 2007, waxey ku dhalatay magalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

2 bilood kadib dhalashadeeda 13 sano ayey ku beegneed. Haatan waxey jirtay 12 sano

Caaisha waxey ahayd Gabar aad iyo aad u qurux badan oo heybad ka muuqato. Waxey dhowaan dhameen rabtay quraanka kariimka

Dariskeeda oo aan wareystay waxey ii sheegen in Caaisha ay ahaan jirtay gabar maskiin ah. Xishoodna badan

• Goormee La Waayay Caaisha

Jimcihii lasoo dhaafay 22 bishaan ayaa hooyadeed waxey u dirsatay hilib inay usoo iibiso kadib markii ay ka timid dugsiga

Kadib waala waayay jimcihii ilaa xalay. Waxaan aniga rabay inaan maanta soo baafiyo lakin war naxdin leh ayaa halmar soo yeeray.

• Wey Kufsadeen Kadibna Xubinta Taranka

Saakay irida gurigeeda ayaa lasoo dhigay iyadoo ku jirta jawaan cad.

Markii la feeday jawaanka waxaa ku jirta Caaisha maskiin oo qaawan, oo la kufsaday kadibna laga jaray xubno kamid ah jirkeeda sida xubinta taranka 😭

Waxaa laga jaray dhagteeda midig, sankeeda dhiig badan ayaa ka daadanaayay.

• Isha Ayey Ka Rideen

Caaisha intaas looguma ekeen waxaa kaloo laga riday isha midig. Waxaa kaloo laga sakiimeeyay caloosha iyo qoorta (alla ilaahayow)

Wey kufsadeen, nafta ayey dhaafiyeen Caaisha. Weyna jarjareen wallahi billahi

• Wali Lama Aasin Caaisha

Meydka Caaisha oo saakay la helay ayaa waxey wali ku jira saalada isbitaalka Gaalkacyo

Booliska magalada ayaa sheegay in la baarayo. Walina gacan laguma haayo wuxuushtii, nacalad qabayaashii sidaan u galay caaisha.

• Yaa Sidaan Caaisha U Galay

Lama oga kuwii saan u galay maskiin caaisha lakin 7 nin oo waaweyn ayaa la sheegayaa in dhacdadaan ka dambeeyen

Dhacaan si hordhac ah loo qaaday ayey dhaqaatiirta sheegeen in kufiga gabadha ay isugu tageen todobo nin.

Dadka falkaan kula kacay gabar aan qaangaarin ayaa magalada Gaalkacyo ku jira. Waana la qarinayaa ee soo baxsha reer gaalkacyooy

• Hooyadeed Maxey Igu Tiri

“Qofkii ugu horeeyay ee jawaanka furay aniguu ahaa. Markaan arkay sida loo galay gabadheeda caaisha waxaan ku suuxay isla meeshii”

“Kufsiga kaliya ayaan rabi lahaa in loogu ekeeyo lakin qofkii arki lahaa sida caaisha loo galay wlh ilin dhiig leh ayaa ka daadan laheed”

“Caaisha ilama joogto maanta. Gabadhii aan fiirsanaayay waa la iga dilay, Walaalaheey Somaliyed waxaan ka codsanayaa in maskiintaas yar cadaalad la iigu raadiyo”

Innaa lilaahi wa inaa ileeyhi raajicuun. Alla xanuun badanaa, laa ilaaha illalaahu Maxamed rasuusulah. I am speechless

• Aniga Dareenkeeyga Raganimo

Dhacdooyin badan ayaan horay u faafiyay oo kufsi la xariira lakin midaan waa tii iigu murugada badneed aan qoro

Ragoow Gabar waa idinla dhalatay, waana idin dhashay, waana qabtaan ee ka damqada Caaisha. Shame on us wlh

• Waajib Ayey Kugu Tahay

Share gareey postigaan Alle ayaan kugu dhaarshee si aad ugu hiiliso walaashaa Caaisha Maskiin si cadaalad ay u hesho

Please hadii aad ka damqatay geerida Caasho u duceey. Allow janada ka waraabi Caaisha

Wixii kasoo kordha dhacdadaan naxdinta leh kala soco cinwaankan Idris Abdulkadir. Kama hareeyno mana ka qabsaneeyno indhaha

Waxaa Qoray Qormadaan: Idris Abdulkadir 👈🏽

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.