Akhri Farqiga U Dhexeeya Labadii Khubad-Sannadeed Ee Ay Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo

0
Akhri Farqiga U Dhexeeya Labadii Khubad-Sannadeed Ee Ay Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo

Akhri Farqiga U Dhexeeya Labadii Khubad-Sannadeed Ee Ay Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Ka Jeediyeen Goleyaasha Qaranka Iyo Nuxurka Siyaasadeed Ee Mid Walba Ku Duuggan.

Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoonka Golaha Shacabka Ummadda Soomaaliyeed, Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, Guddoomiye K/xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Guggoomiye Ku/xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xildhibaannada sharafta leh ee Golaha Shacabka, Taliyayaasha iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Dowlad Goboleedyada, 
Danjirayaasha Iyo dhammaan martida kale ee sharafta leh, Kooxda Heegan, Baambayda iyo Bahda Saxaafadda, Assalaamu Caleykum Wa Raxmatullaah Wabarakaatuhu,

Mudane Guddoomiye, Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Waxaa sharaf ii ah inaan maanta hortiinna imaado aniga oo gudanaya waajibaadkayga dastuuriga ah ee furitaanka kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya wuxuu marayaa marxalad adag oo u baahan in Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, dowlad iyo shacabba, ay gacmaha isu qabsadaan sidii ay u samatabixin lahaayeen dalkooda iyo dadkoodaba.

Sidaad la socotaan, waxaan waqti dheer dagaal marxalado badan soo maray aan kula jirnay kooxaha argagaxisada ah oo mar walba u taagan inay daadiyaan dhiigga shacabka ummada Soomaaliyeed, waxayna usbuucan Muqdisho ku gumaadeen shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan iyo masuuliyiin uu kamid ahaa Alle ha u naxariistee Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla. Ilaahay waxaan ugu baryeynaa inuu intii shahiidday jannadii iyo naxariistiisii siiyo, inta dhawaacanytayna uu caafimaad buuxa siiyo.

Mudane Guddoomiye, Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Dagaalkaani ma ahan mid aan annagu doorannay, laakiin waa mid aan ku qasbannahay, waana inaan ku guulaysannaa intay rabto ha nagu qaadato. Sidaas awgeed dowlad iyo shacabba waa inaan u midownaa sidii aan u tirtiri lahayn argagixisada caadaysatay daadinta dhiigga shacabka.

Waxaa sidaan horey idiin kugu ballan qaaday oo naga go’an in aan siinno amniga ahmiyadda ugu wayn. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka oo ay la wadaagaan xogaha iyo dhaqdhaqaaqyada cadowga – argagixisada ah.

Dalka wuxuu ku jiraa dagaal muddo ka badan 10 sano, dagaalkuna wuxuu wataa dhaqaale xumo, dhaawac badan iyo dhimasho. Waa inaan adkaysanno, waa inuu mooraalkeenu sarreeyo oo aan caradeenna ku wajahno cadowga, marna Shacabkeennu yeynan ogolaan in la qalbi-jabiyo. Ummadda Soomaliyeed wax badan ayaa la isku dayey in la qab-jabiyo oo ay is-dhiibaan, laakiin ma dhicin, waana diideen in ay is dhiibaan. Guusha waxaa leh shacabka Soomaaliyeed oo xaq u dirirka ah oo nabadda jecel, Cadowgu wuxuu marayaa meeshii ugu dambeysay markii lala barbardhigo meeshii ay joogeen 10 sano kahor, waxayna ku jiraan baqdin iyo ay ku dhuumaalaystaan shacabka dhexdiisa si ay u geystaan xasuuq cidna aysan u naxin- caruur iyo cirroolaba. Waxaan hubaa in aan ka guulaysan doonno cadowga. Guusha waxaa nooga hartay oo kaliya wakhti yar iyo adkaysi. Amnigu siyaasad ma galo waana masuuliyad wadareed, qof walba oo muwaadin ahna door ayuu ku leeyahay inta ay fdoonto hala ekaatee.

Waxaa hubaal ah in shaqo badan looga baahan yahay dhinaca ammaanka iyo la dagaallanka argagixisada. Sidaa darteed, annagoo ku xisaabtamayna marxaladaha adag ee dalkeennu ku jiro dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo bulsha ahaanba, waxaan qorshaynay inaan isbeddello la taaban karo iyo dib-u-habayn ku samayno laamaha ammaanka ee dalka, sida Ciidanka Xoogga Dalka, Booliiska iyo Hay’adda Sirdoonka Qaranka.

Si loo dejiyo qorshayaal ciidan oo si rasmi ah uga hor taga argagixisada, waxaan bilownay diiwaangelinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo intii horey loo diiwaan geliyey ay mashaaraadkooda si toos ah ugu helaan koontooyinkooda. Waxaan sidoo kale socota in la dhammaystiro inta harsan si ay ayaguna xuquuqdooda si toos ah ugu helaan insha Allaah sida ugu dhakhsiyada badan.

Waxaan Xukuumadda ku bogaadinayaa dadaallada ay ka waddo dib-u-habaynta hannaanka maaliyadda ciidanka, si uu askari walba xuquuqdiisa toos ugu helo. Ciidanku waxa ay leeyihiin ahmiyadda ugu horraysa ee mushaar bixinta, laakiin waa in askari walba la diiwaangeliyaa si aan u ogaanno tirada dhabta ah iyo sida ay u hawl galayaan.

Mudane Guddoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin

Dhinaca hirgelinta sharciyada; labadii sanno ee uu maamulkaygu jiray waxaan saxiixay labo sharci oo kaliya, halka 29 hindise-sharciyeed oo kale ay horyaallaan labada Gole ee Baarlaamaanka. In badan oo kamid ah shuruucdaas waxay muhiim u yihiin hirgelinta howlaha dowladda, sida la dagaalanka argagixisada, la dagalaanka musuqmaasuqa, sharciga maamulka maaliyadda iyo xaqsiinta ciidamada oo aad iyo aad muhiim noogu ah. Sidaas awgeed, waxaan si xushmad leh labada gole uga codsanayaa inay dedejiyaan hirgelinta iyo ansixinta sharciyadaas iyo kuwa kale ee muhiimka u ah howlaha dowladda.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Muddadii labada sano ahayd ee aan xilka hayey waxaan xoogga saaray kobcinta dhaqaalaha dalka, hadday noqoto sidii aan adduun-weynaha uga heli lahayn in nalaga cafiyo deymaha, iyo hadday noqon lahayd inaan kor u qaadno dakhliga gudaha ee dalka.

Dhinaca cafinta daymaha, waxaan si hufan uga soo baxnay dhammaan shuruudahii nalagu xiray iyo yoolalkii aan kula heshiinnay hay’adda lacagta adduunka ee IMF si nalooga cafiyo deymahaas.

Dhinaca dakhliga Dowladda, waxaan sanadkii lasoo dhaafay dakhliga dowladda kor u qaadnay boqolkiiba 30%, marka loo eego sanadkii ka horreeyay. Dakhliga sanadka 2017 waxa uu ahaa $142.6m, halka sanadkii la soo dhaafay uu gaaray $184m; waxaana rajaynaynaa in sanadka 2019 uu dhaqaaluhu intaas kasii badnaado Insha Allaah.

Si loo yareeyo halista ka imaan jirtay lunsashada ama musuqmaasuqa dakhliga dowladda, waxaan dib-u-habayn ku samaynay habkii ururinta dakhliga, waxaana ururinta dakhliga dowladda ku gaar yeelnay Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka, gaar ahaan Bangiga Dhexe, halka markii hore ay ururin jireen hay’ado badan oo dowli ah.

Sidoo kale, waxay dowladdu si rasmi ah dib ula soo wareegtay Astaanta Qaranka ee Internet (.so); waxaan dib usoo ceshannay xubinnimadeennii Ururka Caalamiga ee Isgaarsiinta. Waxaan dajinnay qorshaha 5-ta sano ee isgaarsiinta & teknolojiyada qaranka; Waxaan dhisnay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka; Waxaan dhammaystirnay Sharciga Shirkadaha (Company Law) iyo kan Hantidhowrka guud.

Dhammaan howlahaas aan kor kusoo sheegay waxay udub-dhexaad u yihiin kobcinta dhaqaalaha iyo dib u nabadeynta dalka guud ahaan. Waxaan rajaynayaa in aan guul wayn oo wax ka-beddesha nolosha iyo mustaqbalkeenaba aan ka gaari doonno dib u dhiska dhaqaalaha iyo mashruuca dayn cafiska.

Mudane Guddoomiye, Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Dhinaca Siyaasadda, waxaan xoogga saarnay sidii ummadda Soomaaliyeed horumar uga gaari lahayd siyaasad loo dhan yahay. Waxaa Alle mahaddiis ah in annagoo wada jirna ay noo suurta gashay inaan go’aan siyaasadeed ka gaarno nidaamka doorasho iyo degaan doorasho ee dalka iyo sidoo kale qayb-siga khayraadka dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaan dhammaystirnay Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka iyo dib-u-eegista Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed oo muhiim u ah geedi-socodka dimuqraadiyadaynta dalka.

Si loo qabyo-tiro Dastuurka KMG ah, waxaan diyaarinnay dhammaan xulashooyinka Qodobada Dastuurka ee ay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ka wada xaajoon doonaan oo ay kamid yihiin; Maqaamka ay Magaalo Madaxda Muqdisho ku dhex yeelanayso hannaanka Federaalka, qaab-dhismeedka dowladda, asteynta awoodaha dowladda, hannaanka dowladeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, hannaanka caddaaladda iyo asluubta federaalka ah, qaabeynta iyo qaan-gaarsiinta Dowlad Goboleedyada KMG ah, nidaamka doorashooyinka iyo xisbiyada, iyo weliba hannaanka federaaleynta maaliyadda. Howlahaas oo loo aayi doono boqolaalka sano ee soo socda.

Waxaan u mahad celinayaa guddigga Baarlamaanka labadiisa aqal ee Dastuurka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee dastuurka oo dhammaystiray qabyo qoraalka 10-ka cutub ee dastuurka. Waxaan ku bogaadinayaa howsha ay qabteen iyo wada shaqaynta ka dhexaysa Wasaaradda Dastuurka iyo labada guddi. Waxaan ku dhiirrigelinayaa labada guddi iyo Xukuumaddaba in ay sii dardargeliyaan howsha ay hayaan si loo dhammaystiro 5-ta cutub ee ka hartay Dastuurka. Waxaan sidoo kale tacsi u dirayaa eheladii uu ka geeriyooday Wasiirkii hore ee Dastuurka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo dadaal ku bixiyay sidii Dastuurka loo dhammays tiri lahaa. Waxaan Ilaahay uga baryayaa in uu naxariistiisa iyo jannadiisa siiyo.

Waxaa sidoo kale xusid mudan, in bishii Juun ee sannadkii la soo dhaafay ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyadu ku heshiiyeen hanaanka khayraad wadaagga dalka.

Mudane Guddoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Dib u heshiisiintu waxay ka mid tahay ujeeddooyinka ugu muhiimsan ee maamulkayga. Sidaas awgeed, waxaan rabaa inaan idinla wadaago in Golaha Wasiirada ay u suurta gashay in ay ansixiyaan Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaranka iyo Qorshe hawleedkiisa fulineed si loo qaabeeyo, loona dardargeliyo dadaallada dib-u-heshiinta ee dalka ka socda.

Dhanka kale, waxaa naga go’an inaan ka mira dhalinno wadahadallada Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si xal waara loogu helo tabashooyinka walaaleheen Somaliland. Waxaan ku bixinaynaa dadaal dheeri ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Waxaan diyaar u nahay inaan si waafi ah uga garawno tabashooyinka ay qabaan walaaleheenna reer Somaliland.

Mudane Guddoomiye, Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Kalfadhigaan wuxuu ku soo beegmay iyadoo uu meel fiican marayo xiriirka wada shaqayneed ee u dhexeeya Dawladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, taas oo qayb weyn ka qaadan doonta xaqiijinta himilooyinka ummadda Soomaaliyeed, waxaana naga go’an inaan sii xoojinno wada shaqayntaas hadduu Eebe yiraahdo.

Waxaan bogaadinayaa doorashooyinkii ka qabsoomay Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Puntland, waxaana ku kalsoonahay in doorashooyinka Jubaland iyo Galmudug ay iyaguna xilligii loo asteeyay ku qabsoomi doonaan.

Mudane Guddoomiye,

Siyaasaddeenna arrimaha dibedda waxaa saldhig u ah in Soomaaliya ay xiriir wanaagsan la yeelato waddamada caalamka, iyada oo iskaashigeedu ku qotomo ilaalinta danaha qaranka Soomaaliyeed. Waxaan Shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in aan had iyo jeer u taagannahay ilaalinta midnimadeenna, madaxbanaaniddeena iyo ilaalinta xuduudeheenna dhulka, badda iyo cirkaba.

Xiriirka aan la leennahay waddamada derisku waa mid ku dhisan iskaashi xooggan oo ku salaysan is-ixtiraam iyo wax wadaqabsi siman ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada.

Soomaaliya waxay bud-dhige u tahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika. Ujeeddooyinka iskaashiga waddamada Geeska Afrika waa in waddamada Geeska Afrika ay horumar waara ka gaaraan dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada, siyaasadda iyo bulshada.

Mudane Guddoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin

Waxaan ugu danbeyntii Guddoonka Golaha Shacabka mar kale ka codsanayaa inay meel-mariyaan Hindise-sharciyeedda kala duwan ee horyaalla.Kalfadhigii shanaad ee Golaha Shacabkuna waa inoo furan yahay, maanta oo ah Maarso 27, 2019.

Waa mahadsan tihiin.

…………………………………………………………

Khudbad Sannadeedka Dastuuriga ah
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi
24 March 2019

Shir-guddoonka iyo Mudanayaasha labada Gole ee sharafta leh,

Mudanayaal,

Maanta oo ay Xukuumaddu xilka haysay sannad, saddex bilood iyo maalmo, waxaan ku faraxsanahay in aan idinla wadaago xaaladda guud ee dalka, wixii innoo qabsoomay, iyada oo halbeegeenu yahay qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP II) iyo Barnaamijkii Xisbigu ku galay tartanka doorashada. Waxa kale oo aynu isla eegi doonaa hawlaha inna horyaalla ee mustaqbalka dhaw iyo ka dheerba ah.

Waxaynu ku nool-nahay adduun isbedelka, horumarka iyo aqoontu dheeraynayaan. Isbedelkaasi wuxuu saameyn togan iyo tu tabanba ku leeyahay nolosheena. Wuxuu saameynayaa habka aadmigu u fikiro iyo habka loo adeegsado aqoonta casriga ah. Wuxuu xoojinayaa oo kobcinayaa dhaqaalaha, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah. Isbedelkani wuxuu leeyahay dhinacyo taban, waxaana ka mid, wuxuu abuuraa bulsho ku kala fogaata dhinaca dhaqaalaha, aqoonta iyo dhaqankaba. Tiknoolajiyadda cusubi waxay baabiinaysaa hab-nololeedka inta badan bulshooyinka kala duwan ee adduunka, isla markaana wuxuu keenaa isbeddel cimillo oo horseeda abaaro, duufaano iyo roobab wakhtigoodii seega.
Arrinkani wuxuu inna farayaa in aynu xoogga saarno ka fikirka mustaqbalka fog.

Guulaha aynu maanta gaadhnay waxaynu ku hannanay; gar-gaar Eebe ka sokow,

– Awooddeena Qaran oo isku duuban,

– Rajadeena oo sarraysa,

– Hanka iyo himilladeena fog,

– Ilaalinta gobonnimadeena,

– iyo ku dhaqanka sharciga dalka.

Mudanayaal,

Adduunku waa tiro sagaal ah oo ma tobnoobo. Guulahaa aynu gaadhnay waxa garab socda dhinacyo wax-ka-qabasho u baahan, in kasta oo aynu dadaalnay, wali waxa innoo qabyo ah:

– Joojinta xaalufinta deegaanka,

– Hoos u dhigga Shaqo la’aanta baahsan ee dhallinyarada, iyada oo la dardargelinayo mashaariicda iyo warshadaha dhismahoodu muddada jiitamayey.

– Ka hortaga Xannafaha ka dhasha doorashooyinka.

– Iyo ka hortaga haggar daamooyinka caddowga Somaliland.

Haddaba, is waydiintu waxay tahay, sidee baynu u waajahaynaa mustqabalkeena? Ma innaga oo isku duuban, isku kalsoon, iskaashanayna oo isku dulqaadanayna?
mise
innaga oo is khilaafsan, ka hirdamayna gudaheena oo kala xantaysanaya?

Waxay ila tahay, danteenu waxay ku jirtaa innaga oo isku duubnaanna oo xoogga saarna nabadda, horumarka dalkeena oo dhinacyo badan leh iyo u diyaar garowga duruufaha ina horyaal, ee isbedelka cimilladu ka mid tahay.

Xukuumadda aan odayga ka ahay, iyada oo ka duulaysa aragtidaa guud ee mustaqbalka, waxay muddadii ay xilka haysay qaaday tallaabooyinka soo socda:

  1. Nabadda

– Waxa la sameeyey wacyigalin ballaadhan oo shacabka lagu dhiirinayo nabad-ku-wada noolaanshaha, si-dhex-galka, iskaashiga iyo ka wada shaqeynta amniga iyo danta guud ee Qaranka.

– Waxa tababarro is daba joog ah la siiyey Ciidammada kala duwan iyo Garsoorka.

– Waxa la kordhiyey daryeelka iyo dhaqaalaha Ciidanka 36%.
– Waxa si xoog leh kor loogu qaaday qalabka iyo saannadda Ciidanka, si ay awood buuxda ugu yeelan karaan sugidda amniga iyo difaaca dalka.

– Waxa la diyaariyey oo Golayaasha horyaalla, Xeerka Xaq-siinta iyo Hawl-gabka Ciidammada Qalabka-sida, si loo sugo xuquuqda iyo daryeelka Ciidanka.

– Sidoo kale, waxa la kordhiyey 35% daryeelka iyo dhaqaalaha bahda Garsoorka, si kor loogu soo qaado haybadda iyo maamuuska ay mudan yihiin bahda Garsoorku.

– Maamul-wanaaggu waa laf-dhabarta hufnaanta maamulka iyo daahfurnaanta dawladda. Si loo hubiyo tirada Hantida Dawladda, waxa la diiwaan-galiyey tiro badan oo ah hanti ma guurto ah oo gaadhaysa 4,268 dhismayaal dawladdu leedahay ah.

– Waxa dib loo qaabeeyey nidaamka iyo daah-furnaanta tartanka qandaraasyada dawladdu bixiso. Ilaa hadda waxa ay dawladdu bixisay 135 qandaraas oo dhammaantood loogu tartamay si daahfuran. Tartamayaashii qandaraasyadu waxay ka marag kaceen xilkasnimada, dhexdhexaadnimada iyo hufnaanta shaqada Xubnaha Guddida Qandaraasyada Qaranka.

– Si loo xoojiyo isku xidhnaanta Dawladda, waxa wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyey Xeerka Is-Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka – Xeer Lambar 23/2002. Xeerkani waxa uu dib u habaynayaa adeegyada ay bixiyaan maamullada Gobollada iyo Degmooyinku. Waxaannu ku waajibinayaa masuuliyad dheeri ah maamulka degmooyinka dalka. Waxa uu tashiilayaa dhaqaalaha Golayaasha Dawladaha Hoose, si loo kordhiyo adeegga gaadhaya muwaadinka cashuur bixiyaha ah.

Mudanayaal,

In kasta oo aynu xagga Amniga ka qaadnay tallaabooyinka kor ku xusan, haddana weli waxa jira hawlo u baahan wax-ka-qabasho:

– Colaadaha iyo xurgufta beelaysan ee ka dhex dhaca bulshooyinka wada dega deegaannada iyo Gobollada dalka.

– Waxaan ku talinayaa in dhammaanteen aynu xoogga isugu gayno sidii loo joojin lahaa xurgufaha beelaysan. Xurgufahani waxay innagu hayaan dhimasho badan, khasaare dhaqaale iyo kala fogaanshaha dadka walaala ah, taas oo keenaysa dib-u-dhac weyn. Ma suurtoobayso in aynu sameyno horumar, caafimaad iyo waxbarasho wanaagsan iyo in aynu maalin walba ku jirno gurmad ciidan iyo gurmad culimo kala joojinaya beelo is dilaya iyo Xukuumad iyo Guurti damin colaadeed ku foogan.

– Shaqo la’aanta dhallinyaradu waxay halis ku tahay amniga dalka. Waxa abuurmay kooxo dhallinyaro ah oo ku kaca fal-dambiyeedyo ay ka mid yihiin isticmaalka mukhaadaraadka, taas oo kordhisay shilalka iyo dambiyadda ka dhaca dalka.

– Xukuumad ahaan waxaannu wadnaa qorshayaal badan oo lagaga hortagayo dambiyada dhallinyaradu ku kacaan, balse waxaannu ku boorinayaa waalidiinta, culimada, aqoonyahanka, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka in aynu ka wada shaqeyno sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada.

1.2. Adeegga Bulshada

Mudanayaal,

Xukuumadda waxaynu u dhisannay oo awood fulineed loo siiyey in ay hubiso in muwaadinku helo adeegyada bulshada ee ay ka midka yihiin, cunto, biyo, caafimaad, waxbarasho iyo shaqo abuur.

A. Caafimaadka

Xukuumaddu waxa ay siisay ahmiyad ballaadhan horumarinta caafimaadka iyo dib u qaabeynta adeegga caafimaadka ee ay bixiyaan cusbitaallada dalku. Sannadkii la soo dhaafay ee 2018-kii:

– Waxa dib loo furay ama la dhisay 65 xarumo caafimaad oo cusub oo qabanaya daryeelka hooyooyinka iyo dhallaanka.

– Waxa qalab caafimaad oo kala duwan lagu kordhiyey cusbitaallada magaalooyinka Laascaanood, Ceerigaabo, Burco, Ceel-afweyn, Buuhoodle, Oodweyne, Gabiley, Berbera, Boorama iyo Xarrunta TB ee Hargeysa.

– Waxa cudurrada faafa laga tallaalay 659,000 caruurta da’doodu ka hoosayso 5 jirka oo kala jooga gobollada dalka.
– Dadaalka loogu jiro kor u qaadista adeegga caafimaadku, waxa uu kor u qaaday kalsoonida ay shacabku ku qabaan adeegyadda caafimaad ee ay bixiyaan cusbitaallada dalkeenu. Tiradda dadka isticmaala adeegyadda caafimaad ee dalku waxay korodhay 31%.

– Waxa la curiyey Siyaasadda Guud ee Caafimaadka dalka iyo Siyaasadda Maareynta iyo Maamulka Caafimaadka Dhimirka.

B. Waxbarashada

Xukuumaddu waxay aaminsan tahay in waxbarashadu tahay furaha horumarka iyo iftiinka nolosha. Sidaas darteed, waxaannu xoogga saarnay dib u habeynta iyo tayeynta waxbarashada dalka.

– Waxa 20% la kordhiyey mushaharka iyo gunnada Macallimiinta Dugsiyada Dawladda.

– Waxa markii ugu horraysay la furay Dugsiga Tababarka Macallimiinta Qaranka, si kor loogu qaado tayada Macallimiinta dalka.

– Waxaannu hirgelinay Siyaasadda ah ‘Arday Kastaa ha helo Buugaagta Manhajka waxbarashada.’ Waxaana la qaybiyey 1,200,000 oo buug oo la gaadhsiiyey ardayda gobollada oo tiradoodu dhantahay 154,000 arday.

– Waxa Gobollada dalka laga dhisay 27 dugsi oo cusub, si loo ballaadhiyo fursadaha helitaanka waxbarashada dhallinyaradda.

– Waxa 22% la kordhiyey dugsiyada Reer Guuraaga ee leh barnaamijka Quudinta Carruurta, waxaanay hadda tiradoodu gaadhaysaa 276 dugsi, isla markaana, waxa dib loo dayactiray ama la qalabeeyey 46 dugsi oo ah dugsiyada quudinta.

– Waxaannu gunno iyo mushahar u bilownay macallimiin gaadhaysa 1,354 macallin oo kala jooga Gobollada dalka.

– Waxa deeq-waxbarasho dibadeed loo diray arday gaadhaysa 382 arday oo ka kala yimi dhammaan Gobollada dalka.

C. Biyaha

Biyuhu waa nolosha aadamaha iyo astaanta koowaad ee horumarka, iyada oo taa laga duulayo, waxa dadaal la galiyey ballaadhinta biyo-galinta magaalooyinka iyo biyo gaadhsiinta miyiga.

• Waxa muddo dheer la waday sidii biyo ku filan loogu heli lahaa caasimadda, hawshaasi oo ay innaga kaabayaan dawladdo iyo hay’ado dibadeed, kuna baxday dhaqaale ka badan 60 milyan, hadda wuxuu marayaa qeybtii ugu dambaysay.

• Waxa la dhammaystiray dhuumihii biyaha ka soo qaadayey Xarunta Biyo-soo-saarka Geedeeble ee keenayey magaalada oo dhererkoodu yahay 23KM.

• Waxa la kordhiyey ceelashii biyo-soo-saarka Geedeeble 21%.

• Waxa hadda dhismaheedii iyo qalabeynteedii socotaa Xaruntii Mishiinnada biyo-soo-saarka ee Geedeeble. Kala sarraynta dhulka darteed, waxa loo baahday dab-dhalliyayaal iyo bambooyin awood badan leh oo soo gaadhsiiya biyaha Magaalada Hargeysa.

• Waxa la dhisay 4 kayd biyood oo yar yar, haddana waxa la bilaabay 4 kayd biyood oo waaweyn iyo nidaamkii biyo galinta magaalada oo la dhigi doono magaalada gudaheeda qasabado dhererkoodu gaadhayaan 162 KM.

• Waxa kale oo la dhisi doonaa ama dayactir lagu sameyn doonaa 503 Kaalmood oo ay biyaha ka dhaansan doonaan xaafadaha dan-yarta ee Hargeysa.

• Iyada oo laga duulayo tirada dadweynaha Caasimada ee sii kordhaya, waxa qorshaysan in 42% la kordhiyo biyo-soo-saarka labada sanno ee soo socda.

• Mudanayaal, qorshaha biyaha Hargeysa maaha ‘Faannoole fari kama qodna’, balse waxaynu ku tiirsannahay taageero dibadeed oo dhibteeda iyo jiitankeeda leh. Waa hubaal in Qaranku haysto dhaqaale ku filan biyaha Magaalada Hargeysa, laakiin waxaynu u baahanahay in Ilaahay inna garan siiyo awooddeena.

• Waxa laga qoday gobollada dalka 27 Ceel oo dhaadheer iyo 80 ballay sannadkii tagay, si loo xoojiyo biyo gaadhsiinta deegaannada miyiga ah.

• Waxa war-war leh biyo yaraanta magaalooyinka waaweyn, oo shacabka ku nooli sii kordhayo. Waxaan faray Wasaaradda Horumarinta Biyaha in laga sameeyo magaalooyinkaas biyo-sahamin ballaadhan, si loogu helo biyo ku filan.

D. Dhallinyarada iyo shaqo abuurka

Dhismaha mustaqbalka dhallinyaradu, waa dhismaha mustqabalka iyo quruxda Qarankeena. Xukuumaddu iyada oo ogsoon muhiimadda dhismaha dhallinyaradu u leeyahay Qaranka:

– Waxa la abuuray Barnaamijka Shaqo-abuurka dhallinyarada ee Shaqo Qaran. Waa barnaamij shaqo u abuuraya 1,500 oo dhallinyaro ah oo ka soo gala jeeda dhammaan gobollada dalka. Dhallinyaradaas waxa ka mid ah 500 oo hablood. Waa barnaamij ujeeddadiisu tahay is-dhex-galka dhallinyarada, dhismaha waddan-jacaylka, akhlaaqiyaadka wanaagsan ee shaqada iyo difaaca madaniga ah ee dalka.

– Waa barnaamij loogu talo-galay in dhallinyarada quluubtooda lagaga sifeeyo qabyaaladda iyo gobolaysiga, una diyaarino in ay hagaan Somaliland mid ah, kuna shaqeeyaan garaad aaminsan Sinnaan iyo Qaranimo.

– Waxa kale oo dhallinyarada fursad loo siiyay iyaga oo gobolkooda jooga in ay si xor ah ugu tartamaan 300 oo shaqo oo cusub oo ay Dawladdu baahisay, 90 ka mid ah dhallinyaradaa shaqada heshay waa hablo.

– Tirada guud ee dhallinyarada shaqo abuurka Xukuumaddu u sameysay waa 1,800 oo dhallinyaro ah. Waxaan dareensanahay in ay tahay tiro aad u yar marka loo eego tirada guud ee dhallinyarada dalka, waxase i farxad gelinaysa in ay shaqo galeen, iyaga oo aanay cidna gacan qaban, balse kartidooda iyo aqoontooda aaminay iyo yuhuunta wanaagsan ee ay abuurtay tallaabadaasi.

– Mudanayaal, far keliyi fool ma dhaqdo, barnaamijkan oo miisaankiisa iyo muhiimaddiisa u leh Qaranka, wuxuu ku kaliyeystay ilaa hadda Xukuumadda. Waxaan ku talinayaa in Qaranku ka wada qeyb qaato shaqo gelinta dhallinyarada iyo socodsiinta barnaamijka Shaqo Qaran.
1.3. Dhaqaalaha

Dhaqaaluhu waa saldhiga horumarka ee dal kasta oo dunida ku yaal. Dhaqaale la’aan horumar lama gaadho. Haddaba, iyadoo taas laga duulayo, waxay xukuumaddu u tafaxaydatay sidii dhaqaaalaha dalka loo kobcin lahaa innagoo isku tashanayna. Waxay xukuumaddu xoog saartay wax-soo-saarka Beeraha, Xoolaha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka dhulka hoostiisa ku duuggan.

A. Beeraha

Dhanka beeraha waxa la xoojiyey beeridda dalagyada kala duwan ee banka Wajaale, Beer iyo Xaaxi. Si loo dhiirrigaliyo wax-soo-saarka beeraha, loona beegsado isku filnaansho dhinaca wax-soo-saarka ah mustaqbalka:

• Waxa la beeray 2,300 Hector oo ku kala yaalla Xaaxi, Beer iyo Wajaale.

• Waxa la siiyey cagafyo ay beeraha ku qotaan deegaannada Gatiitalay iyo Oodweyne.

• Waxaan bogaadinayaa shacab weynaha u jeestay, dadaalkana geliyey wax-soo-saarka beeraha. Sannadkan gobollada dalka oo dhan waxa laga hirgeliyey beero cusub oo qaarkood u shaqeeyaan hab casri ah (Green House).

• Waxaan sidoo kale ammaanayaa in sannadkan beeralayda dalkeenu soo saareen khudrad aad u badan oo ugu yaraan 70% ku filan baahida suuqa khudaarta ee dalka.

B. Xoolaha

Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaha dalkeena, in badan oo dadkeena ahina waxay noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool.

– Haddaba, si loo daryeelo caafimaadka xoolaheena, waxa la talaalay 3 milyan oo neef oo ay ka faa’iidaysteen qoysas badan. Sidoo kale, waxa xannuuno kala duwan laga daaweeyey in ka badan 2 milyan oo neef oo kala jooga Gobollada dalkeena.

– Waxa lagu dadaalay sidii xoolaha dalkeena loogu heli lahaa suuqyo dibadeed, si loo dhiirrigeliyo dhoofka xoolaha. In kasta oo dedaalkaasi aannu weli midho-dhalin, haddana, xukuumaddu ka daali mayso in ay ka jibbo keento arrintaa.

– Xukuumaddu waxay dadaal xoog leh gelisay sidii loo suurtagalin lahaa in xooluhu helaan seerayaal iyo dhul daaqeen ay ku bad-baadaan xilliyada abaaraha iyo baad yaraanta.

C. Kalluumaysiga

Kalluunku waa khayraad sidii la rabay aynaan uga faa’iidaysan, waxaase hadda socda qorshayaal ay Xukuumaddu ku dhiirrigelinayso in kalluunku ka helo saami wanaagsan suuqyada dalkeena iyo kuwa jaarkaba, lana taageero ganacsatada ku hawlan kalluumaysiga.

• Waxa loo qaybiyey qaboojiyayaal oo waaweyn Magaalooyinka Maydh, Laas-qoray, Bulla-xaar, Berbera, Saylac iyo Burco. Arrintani waxay wax ka tartay wax soo saarka iyo dabashada kalluunka. Sidaa awgeed, xaddiga kalluunkii la soo dabtay sannadkii tagay wuxuu kor ugu kacay 2,000 tan.

E. Maamulka Suuqa Sarifka Lacagaha

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Baanka Dhexe iyo Suuqa Sarrifka Lacagaha oo iskaashanaya, una adeegaya danta Qaranka waxa ay awood u yeesheen in ay sicir-bararka hoos uga soo dhigaan 19.2%, gaadhsiiyaana 7.7%.

Waxa sidoo kale la suurtageliyey in qiimaha sarrifka Shillin ka Somaliland uu kor u kaco 15%. Kor-u-kacani waxa uu daganaansho lacageed galiyey suuqyada lacagaha ee dalkeena.

1.4. Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha

Mudanayaal,

Kaabayaasha dhaqaalaha, sida Waddooyinka, Dekadaha iyo Garoomada diyaaraduhu, waxay qeyb weyn ka qaataan horumarka iyo koboca dhaqaalaha dalka. Sidaa darteed, Xukuumaddu waxay muhiimad gaar ah siisay horumarinta iyo casriyeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

• Waxa la bixiyey qandaraaskii shirkaddii dhisi lahayd Dekedda, waxaanna la bilaabay dhismihii ballaadhinta iyo casriyenta Dekedda weyn ee Berbera.

• Waxa bilaabmay dhismaha jidka hal-bowlaha u ah ganacsiga innaga dhexeeya dalalka aynu jaarka nahay, gaar ahaan Ethiopia ee Berbera Corridor. Waxa mudnaanta la siiyey dhismayaasha biriishyada, waxaana la dhagax-dhigay biriishkii ugu horreeyey oo ah Dacar-budhuq. Dhismaha jidkaasi waxa uu qaadan doonaa muddo laba sanno ah. Waa jid weyn oo aannu hiigsanayno in uu kaalin muhiim ah ka qaato is-dhex-galka dhaqaale iyo bulsho ee Gobolka Geeska Afrika.

• Waxa la dhisay muddadii sannadka ahayd 66 KM oo ka mid ah Waddada Ceerigaabo.

• Waxa dayactir lagu sameeyey 80 KM oo ka mid ah waddooyinka isku xidha Hargeysa iyo Burco, Hargeysa iyo Kala-baydh, Laascaanood iyo Tukaraq;

• Waxa hadda dhismihiisa la wadaa 60 KM oo ah waddada isku xidha Hargeysa iyo Kalabaydh.

• Waxa dib loo dayac-tiray Biriishyada kala ah Xamaas, Geel-lookor iyo biriishka dooxa Cabaad-weyne.

• Waxa dhismihiisu socdaa Biriishka isku xidha Magaalada Boorama iyo Jaamacadda caanka ah ee Camuud.

• Waxa la casriyeeyey nidaamka waddo marista gaadiidka, nidaamka qaadashada liisamada iyo taarikada gaadiidka intaba.

1.5. Abaaraha iyo Isbedelka Cimillada

Isbeddelka Cimillada adduunku waa xaqiiqo raadkeedu ka muuqdo dalkeena. Waxa markhaati u ah abaaraha ku soo noq-noqday dalkeena iyo roob yaraanta. Arrintaasi waxay saameyn ku yeelatay hab nololeedkii dadka, duunyada iyo deegaanka.

– Xukuumaddu waxa ay gurmad ka gashay dhibaatooyinkii ay keeneen duufaantii Sagar iyo raadadkii ay reebeen abaaruhu.

– Xukuumaddu waxay raashin iyo biyo gaadhsiisay in ka badan 245,000 qoys, una dhiganta 1,200,000 oo qof oo abaaruhu saameeyeen.

– Xukuumadda oo kaashanaysa Beesha Caalamka, waxa ay sidoo kale gaadhsiisay gar-gaar 431,000 qoys, una dhiganta in ka badan 2,000,000 oo qof. Gargaarkaas oo lacag ahaan u dhigma 20 milyan oo doollar.

– Dadkii ku caydhoobay duufaantii Sagar, Xukuumaddu waxay gaadhsiisay 9,000 neef oo adhi ah.

– Waxa dib u xoolayn loo sameeyey 1,337 qoys oo ku caydhoobay abaarihii ka dhacay Dalka.

– Sidoo kale, Xukuumaddu iyada oo ka hortagaysa nabaad-guurka iyo xaalufka deegaanka, waxay bilowday mashruuca dhir beerista, waxaanay sannadkii tagay beertay 25,000 geed, waxaanay 15 April ee sannad kasta u astaysay in ay noqoto maalinta Xuska Deegaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

– Waxaan ku boorinaynaa, si aynu u hakino xawliga xaalufka iyo nabaad guurku ku socdo, in gobol kastaa ugu yaraan beero 30,000 geed.

Cimillada adduunka ee isbeddelaysa, abaaraha iyo roob yaraantu waa dhibaato ka awood badan bani’aadamka. Waxa maanta dalkeena u baahan gar-gaar deg-deg ah in ka badan 1.5 Milyan qof.

– Sidaas darteed, waxaan ugu baaqayaa Qaranka Somaliland, Dawlad iyo shacabba in aynu isku tashanno, una gurmanno dadkeena dhibaatadu hayso.

1.6. Doorashooyinka

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, Dastuurkeenu waxa uu inna farayaa in shantii sannaba mar la doorto Golayaasha Qaranka – Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-igeenka, Golayaasha Sharci-dejinta iyo Golayaasha Deegaanka. Sidaa darteed, xukuumaddu waxay u hogaansan tahay sida uu farayo Dastuurka Qaranku.

1.7. Siyaasada Arrimaha Dibada

Walaalayaal,

Siyaasadda Arrimaha Dibeddu waxay ku dhisan tahay nabad-gelyo, daris-wanaag iyo iskaashi dhex-mara dalalka Gobolka iyo Caalamka, intaba.

Si aynu u adkayno seeska iyo xaqiijinta siyaasaddaas, waxa bud-dhig u ah saddex tiir oo kala ah:

1) Ictiraaf-raadinta.

2) Kasbashada taageero dhaqaale oo caalami ah oo loo helo dib-u-dhiska dalka.

3) Iskaashiga, is-qadarinta iyo nabad-ku-wada noolaanshaha dalalka dariska ah iyo guud ahaan caalamka.

  1. Ictiraaf raadinta.

Waxaannu xidhiidho badan la sameynay dalalka caalamka, kuwa innala saaxiibka ah, kuwa ka soo horjeeda qaddiyaddeena iyo kuwa labadaa dhexdooda taagan intaba. Waxaannu kulamo hawleedyo muhiim ah la yeelanay aqoon-yahanno, siyaasiyiin iyo diblumaasiyiin caalami ah oo taageera Somaliland, kuwaas oo keenay qoraallo muhiim ah iyo talooyin dhaxal gal ah.

Waxaynu taageero diblumaasiyadeed ka helnay dalalka aynu saaxiibka nahay. Waxay ku qanciyeen badiba dalalka caalamka ugu tunka weyn leh in Somaliland taagan tahay wakhtigii Bulshada Caalamku dhexgeli lahayd dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Dawladda Turkiga ayaanu in badan wada hadalnay, iyada oo doonaysa in ay kalideed inna dhex-dhexaadiso innaga iyo Somalia. Hase yeeshee, annaga oo dareensan 7 sanno oo Turkigu arrintaa ku jiray in aanay wax midho ah dhallin, waxaannu ku talinnay in arrinta wada-hadalku ay noqoto mid ay goob-joog ka wada noqdaan dhammaan dawladaha iyo urrurada caalamiga ah ee arrinta wada-hadalka u diyaarka ah.

Waxa si toos ah noola soo xidhiidhay dawladaha Sweden iyo Switzerland oo mid walba gaarkeeda diyaar ugu tahay in arrinta wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ay marti-geliso. Somaliland way aqbashay labadaa marti-qaadba.

Waxa muuqata in caalamka badankiisu garwaaqsaday in la joogo wakhtigii la kala guri lahaa Somaliland iyo Soomaaliya. Annagu Xukuumad ahaan waxaannu qaadanay siyaasadda ah in mushkiladda loo galo si nabad ah oo lagu dhammeeyo wada- hadal iyo nabad-gelyo. Mar walba waxaannu ka fogaanaynaa wixii keeni kara xasarad iyo colaado hor-leh, maadaama Somaliland ay waayo-arag u tahay riiqda colaadaha.

Siyaasaddaasi nabadeed ee aynu qaadanay waxay keentay in wufuud caalami ah oo badani innoo yimaadaan oo arrintaa ku hawlani. Sidoo kale, aynu martiqaadyo ka helnay dawladaha aynu saaxiibka nahay.

  1. Kasbashada taageero dhaqaale oo caalami ah oo loo helo dib u dhiska
    Dalka.

Iyada oo la kaashanayo Bulshada Caalamka iyo Saaxiibada Somaliland taageera, waxa suurtagashay in Somaliland hesho taageero dhaqaale oo gaadhaysa ilaa 150 milyan oo doolar, oo loogu talo-galay horumarinta jidadka iyo mashaariicda horumarka ee uu fuliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland shanta sanno ee socda.

Waxaannu qorshaynaynaa in Somaliland iyo Qaramada Midoobay yeeshaan nidaam iyo Qorshe u gaar ah Somaliland, oo ay Somaliland ku hesho saamiga saxda ah ee Deeqaha ay bixiso Qaramada Midoobay (Somaliland UN Special Arrangement), sida Bulshada Caalamkuba hore ugu sameysay Somaliland qorshaha gaar ah ee (Somaliland Special Arrangement). Qaramada Midoobayna waxaan ugu baaqayaa in ay ilaaliyaan xaq-soorka iyo caddaaladda saamiga gar-gaarka ay bixiyaan.

  1. Iskaashiga, is-qadarinta iyo nabad-ku-wada noolaanshaha dalalka dariska ah iyo guud ahaan caalamka.

Soomaaliya waxaynu xad ka leenahay maamul-goboleedka Puntland. Waxaannu u haynaa walaalnimo, iskaashi iyo nabad-gelyo. Waxaase maalmahan dambe soo kordhaya ciidamo maamulkaasi ah oo ka soo gudbaya Xadka inoo dhexeeya, falal nabad-gelyo darro ahna ka sameynaya gudaha Somaliland. Soomaaliya waxaannu ugu baaqaynaa in ay ka fogaadaan wixii nabad-gelyada iyo xasilloonida Gobolka wax yeelaya. Waxaannu ka digaynaa haddii waanadayada la weelayn waayo, in Dawladda Somaliland ay waajib ku tahay in ay ilaaliso nabadda iyo hantida muwaadiniinta Somaliland.

Somaliland waxay diyaar u tahay in ay door weyn ka ciyaarto isbeddelka dhaqan-dhaqaale, ganacsi iyo bulsho ee ka socda Geeska Afrika. Hase yeeshee, Jamhuuriyadda Somaliland waa Qaran madax-bannaan oo weligii jiray, haddana jooga, kana jiri doona Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba. Waa Qaran ku leh qeybtiisa iyo miisaankiisa isbeddelka ka socda Gobolka Geeska Afrika. Cidda Somaliland iska indha-tirtaa, waxay xagal-daacinaysaa isbeddelka iyo horumarka uu beegsanayo Geeska Afrika, waxaanay si taban u saameyn doontaa horumarka iyo iskaashiga Gobolka.

Geba-gabo

Mudanayaal,

Waxaynu nahay Qaran madaxbannaan oo leh dastuur shacabku u codeeyey, golayaasha Qaranna ku soo doorta cod shacbi (Qof iyo Hal Cod). Waa dimuqraadiyad dhif iyo naadir ku ah Afrika iyo in badan oo adduunka ah.

Shacabka Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay u midoobaan danta Qaranka, ku fara adaygaan nabadgelyada, u dadaalaan horumarka, ka fekeraan mustaqbalka fog iyo aayaha ubadkooda, dariska iyo caalamkana kula noolaadaan nabad iyo iskaashi.

Allaa Mahad Leh

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.