Agaasimihii hore ee wasaaradda macadnta iyo tamarta ee Somaliland iyo Agaasimaha Cusub oo  xilkii loo Kala Wareejiyay.

0

Agaasimihii hore ee wasaaradda macadnta iyo tamarta ee Somaliland iyo Agaasimaha Cusub oo  xilkii loo Kala Wareejiyay.

Hargeysa (Sayruuq)-Munaasibad xil wareejin ah oo lagu qabtay gudaha wasaaradda Tamarta ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda, agaasimihii hore, agaasimaha cusub iyo dhammaan shaqaalaha wasaaradda.

Ugu horayn waxaa madasha ka hadlay agaasimihii hore ee xilka wareejiyey mudane Eng Cabdiraxmaan Abdeeq Muxumed, isaga oo ka war bixiyey waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka hayey iyo qaab dhismeedka waaxaha wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jsl.

Waxaanu agaasimaha xilka wareejiyey uu ku dheeraday doorka wax ku oolka ah ee ee ay wasaaraddan ugu jirta qaranka Somaliland iyada oo ay kaalinta kowaad kaga jirto wasaaraddaha mustaqbalka leh ee laga sugaayo wax soo-saarka

“Waxa aan doonayaa in aan u mahadnaqo, sidii sharafta lahayd ee qiimaha badnayd ee aad rag iyo dumarba iila soo shaqayseen, isla markaana ii garab taagnaaydeen, wasiir ilaa waardiye, waan idiinka mahad celinayaa. Wasaarada shaqaalaheedu waa 151 qof, saddex iyo sagaashan waa shaqaale rasmi ah, sided iyo kontana waa shaqaale aan rasmi ahayn, wasaaradu waxay ka kooban tahay lix waaxood iyo madaxda xidhiidhka dadweynaha iyo saxaafadda”

Agaasimaha cusub ee xilka la wareegay Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa sheegay inuu halkaasi ka sii wada doono dadaalka ay wasaaradu ugu jirto horumarinta khayraadka dabeeciga ah. Waxaanu sheegay inay sugayso masuuliyad ballaadhan. Agaasimaha cusub ayaa yidhi “Insha Allah waxa aan rajaynayaa wixii kartiyada ah in aan ku biirin doono wasaaraddan”

Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta mudane Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal ayaa ka hadlay doorkii uu agaasimaha hore ka ciyaaray shaqada wasaaradda, waxaanu yidhi “Waxa aan ka markhaati kacaynaa in uu Cabdiraxmaan ahaa tiir adag, ahna agaasimaha maamulka guud ee wasaaradda gacanta ku hayey, nin hawl kar ahaa, isla markaana ahaa nin asluub iyo dhaqan wanaagsan, ahaana nin saaxiib la wada ah shaqaalaha, kuna adag shaqada. Aad iyo aad ayaan ugu mahad naqaynaa mudadii uu nala soo shaqeeyey. Maxamed Yuusuf qudhiisana warkiisa waanu haynaa, waana nin in badan ku jiray nidaamka dawladnimo, xilalna ka soo hayey, waanan u rajaynayaa inuu halkii uu Cabdiraxmaan dhigay wasaaradda ka sii anba qaado oo uu wax ku soo kordhiyo maamulka wasaaradda”

Ugu danbayntii wasaariidka ayaa u kala wareejiyey labada agaasime xilka. Waxaana munaasibada lagu soo afmeeray in shahaado sharafyo la gudoonsiiyey agaasimaha xilka wareejiyey.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.