Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Beeraha Oo Loo Dhaariyay Kursi Xildhibaan –

0

Hargeysa(Sayruuq)-Maxkamadda ayaa Cabdilaahi Ismaaciil Faarax u dhaarisay ka mid noqoshada golaha wakiilada Somaliland, waxaanu buuxiyay jagadii uu dhawaan baneeyay Alle haw naxariisto’e xildhibaan Xamse Gaado-weyne.

Xildhibaan Cabdillaahi, ayaa ahaa mudanaha ku xigay cod ahaan marxuumka oo ka soo baxay gobalka Togdheer. Xildhibaan Cabdillaahi oo hadda ah agaasimaha guud ee wasaarada beeraha ayaa la filayaa inuu xilkaas xukuumadda baneeyo islamarkaana si rasmi ah uga qayb galo kalfadhiga cusub ee golaha wakiilada.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.