Agaasimaha Guud Ee W.Biyaha OO Naqdiyay Buugga Miyiga Ilaa Madaxtooyada

0
Agaasimaha Guud Ee W.Biyaha OO Naqdiyay Buugga Miyiga Ilaa Madaxtooyada

Agaasimaha Guud Ee W.Biyaha OO Naqdiyay Buugga Miyiga Ilaa Madaxtooyada
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Horumarinta Biyaha SOmaliland Oo Qoraal
Kooban Ku Faafaiyey Bartiisa Facebook Ayaa Waxa Uu Ku Naqdiyey Buugii
Uu Qaray Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Oo La Magac
Baxay Miiga Ilaa Madaxtooyada

“Hog Seegga iyo Naqdinta XIRSI ee Miyiga Ilaa Madaxtooyada: Qalinkii
Jamal A. Muse”

In Buug La Qoraa Ma’aha Arrin Sahlan, Waayo Waxa Muhiim Ah In La Raaco
Aqoonta Qoraalka Iyo Nidaamka Xaq Dhawrka Dhaqanka, Diinta, Mudnaanta,
Sirta Iyo Laf-Dhabarta Ummadnimo.

Run Ahaantii, Dhaqanka Bulshada, Nidaamka Dhisamaha Ummadnimo Iyo Ta
Qofnimada Hagaagsan Middina Jideyn Mayso In Sirta Iyo Dhawrsanaanta
Shaqsiga Laga Qoro Buug.

Xaqiiqdii, Marka Sidaartu Saxan Tahay Marna Macquul Ma’aha In Mas’uul
Qaranka Xil Wayn U Soo Qabtay Marka Uu Xilka Ka Tago Wax Ka Qoro
Arrimo Taabanaya Shaqsiyadda Madaxdii Xilka U Dhiibtay Sida Xaaladdo
Caafimaad, Dhacdooyin Sir Ah Iyo Sheeko U Muuqan Kara Cir Calaamadeyn.

Buugga Miyiga Ilaa Madaxtooyo, Waxa Ila Qumanaan Lahayd Inuu Gudbiyo
Taxannaha Silsilada Nolosha Hoggaamiye Xirsi Oo Ka Kooban Nolol Rayid
Iyo Dawladnimo Ah. Waxa Habboonaan Lahayd Inuu Ka Xaragoodo Ku
Tiiqtiiqsiga Erayada Daah-Qaadka U Ah Xanuunka Madaxwaynihii Hore Iyo
Marwadii Qaranka.

Ugu Danbeyntii, Siyaasiyiinta Raba In Ay Daah-Furaan Hibada Qoraalka
Iyo Qalinku Waa In Ay Tusaale Ka Dhigtaan Dr. Maxamed Cabdi Gaboose Oo
Damiirka Cilmiga Caafimaadka Iyo Tiisa Qofnimo U Diiday Inuu Wax Ka
Sheego Hoggaamiye Dadkiisu Xasuuq Iyo Gaf Badan Ka Tirsanayay. Isaga
Oo Mar Wax Laga Waydiiyey Xaaladdii Caafimaad Ee Madaxwayne M.S. Barre
Ku Koobay Hadalkiisa Sirta Bukaanka Iyo Ta Qoyska Midna Lama Shaaciyo.
Sidoo Kale Wariyihii Gaarka Ahaa Ee M.S. Barre Allaah Haw Naxariistee
Axmed Xasan Cawke Ayaa Isna Diiday Wax Ka Sheegga Hoggaamiyihii Uu La
Soo Shaqeeyay Iyo Marwooyinkiisii. Waa Labo Tusaale Oo Nool Oo Si
Togan Ugu Muuqan Kara Indhaha Jecel Xaq Dhawrka Sirta Iyo Dhawsanaanta
Cirdiga Qofnimo.

La Soco Qoraallo Kale Oo Aan Diiradda Fogaan Aragga Ku Saari Doono
Daarannaanta Guud, Ujeedka Qoraha, Xagashada Xilka, Xagal Daaca
Siyaasadda Xirsi Iyo Ka Jawaabidda Waydiimaha Ka Dhalan Kara Si
Sheegta Taban Ee Buugga.

Iga Afmeeran.

Jamal A. Muse

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.