“Afhayeenka WADDANI Isaga Ayaa Shahaado Dugsi Sare Oo Foojari Ah Xildhibaan Ku Ah” Maxamed Qabo Iyo Ibraahim Mahdi Buubaa Oo Weedho Xanaf Leh Is-waydaarsaday

0

Hargeysa (Sayruuq)-Afhayeenka Xisbiga WADDANI Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa ku eedeeyey la taliyihi hore ee arrimaha doorashaooyinka ee Madaxwaynaha inuu ku fadhiyo xil foojari ah ama aan wax meeqaam ah lahayn.

Maxamed Ibraahim Qabo oo xalay loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Togdheer oo dhankiisa arrintaasi ka jawaaayey ayaa ku eedeeyey Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa inaanu haysan wax shahaado ah oo dugsi sare ah, waxaana uu ku tilmaamay shakhsi gabi ahaanba tacliinta ka madhan.
Qabo ayaa, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Haddii ay cidi foojari tahay markii 2005 Xisbiga UCID laga sharaxayay Ibraamih waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii sarriflayaasha ahaa suuqa Daara-salaam, had iyo jeer qofka xildhibaanka noqonaya waxaa lagu xidhaa shahaado dugsi sare ah Ibraamih waa loo waayay shahaado dugsi sare ah oo shahaado foojari ah ayaa loo macmalay UCID oo dhamina way ogtahay markaa hadiiba ay cidi foojari ku fadhido isaga ayaa suuqa Daara Salaam looga yeedhay oo sarrifle ahaa shahaado Foojari ahna sita” ayuu yidhi Maxamed Ibaarhim Qabo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.