Afhayeenka Madaxtooyada Oo Shaaca Ka Qaaday Sababda Madaxweyne Siilaanyo U Guuray

0

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Salaasadii la soo dhaafay ka guuray Qasriga madaxtooyada Somaliland. Afhayeenka madaxweynaha xilka kasii degaya Xuseen Aadan Cige Dayr ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu u guuray gurigiisa caadiga ah isla markaana uu ka guuray qasriga madaxtooyada.

Afhayeen Dayr ayaa sheegay in madaxweynaha la doortay mudane Muuse Biixi Cabdi loogu hagaajinayo madaxtooyada sida uu isagu jecel yahay sidaas awgeedna Madaxweyne Siilaanyo ugu banneeyay laakiin, uu soo shaqo tago subaxdii.

Xuseen Dayr ayaa yidhi; “Madaxweynaha hadda talada haya Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo gurigiisa rasmiga ah ayuu u wareegay laakiin se aroortii halkaas ayuu kasoo shaqa tagaa oo xafiiskiisa ayuu usoo shaqo tagaa, macnaheedu maaha in madaxweynihii guuray oo sidaas boorsooyinkiisii iyo alaabtiisii ku gurtay ee si loogu hagaajiyo (Qasriga madaxtooyada) qaabka uu madaxweynaha dambe uu doonayo si uu taas wakhti ugu helo madaxweynuhu gurigiisa ayuu u wareegay.”

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.