Afhayeen Dhuxul Oo Jaaliyadda Canada Uga Waramay Waxqabadka Xukuumadda Iyo Dedaalka Aqoonsi Raadinta

0

Ottawa (Sayruuq):- Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, oo safar shaqo ku jooga magaaladda Ottawa ee dalka Canada ayaa khudbad qiimo badan oo soo jiidatay dhammaan dadkii ku sugnaa xaflada ka jeediyay munaasibadii xuska 18-ka May ee ka dhacday magaaladda Ottawa.

Khudbadda Af-hayeenka oo dhinacyo badan taabanaysay ayaa jaaliyada Somaliland ee degan Ottawa waxa uu uga waramay xaaladda dalku marayo xiligan, isagoo jaaliyadana ku amaanay gacanta muuqata ee ay kaga jiraan horumarka dalkoodda.
Mudane Dhuxul ayaa sidoo kale waxa uu si mug-leh uga waramay waxyaabaha u qabsoomay xukuumadda iyo dedaalka loogu jiro sidii dalka Somaliland u noqon lahaa mid isku filnaasho dhinac walba leh gaadha.

Khudbada uu afhayeenku ka jeediyay xafladii xuskii 18-ka May ayaa ahayd khudbad ay dadkii munaasibadaasi fadhiyay soo jiidatay,iyadoo ay si weyn ugu riyaaqeen faahfaahinta balaadhan ee uu ka siiyay xaaladda iyo dalka iyo waxyaabaha lahiigsanayo.
Af-hayeenka madaxtooyadda ayaa la filayaa inuu magaaladda Ottawa u sii dhaafo dhinaca dalka Maraykanka.

Dhinaca kale afhayeenka ayaa hambalyo u diray jaaliyadda. “Waxaan halkan hambalyo uga dirayaa jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Canada oo si weyn aanu uga wada qaybgalnay xuskii sanad guuradda 24-aad ee 18-May, oo ah markii aynu xornimadeena kala soo noqonay wixii la isku odhan jiray Somali weyn.

Aniga oo dalkii hooyo uga soo kicitimay in aan kala qaybqaato qurbajooga Somaliland ee ku dhaqan Canada xoojinta iyo balaadhinta maalintani qaranka, isla markaana ku hadlaya afka madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo) oo aan Afhayeenka u ahay.dhuxul 3

dhuxul2

Sidoo kale waxaan halkan mahadnaq balaadhan uga soo jeedinayaa jaaliyada Somaliland ee Canada oo si weyn iigu soo dhawaysay dalka Canada, oo intii aan joogayna aanu wada yeelanay kulamo muhiim ah oo is-xogwaraysi ah,kuwaasi oo aanu ku kala qaadanay xogta dalkii taala iyo ta qurbaha. sidoo kale waxaan mar labaad mahadnaq balaadhan u soo jeedinayaa sidii qiimaha badnayd ee ay ii casuumeen ina sagootiyeen dhamaan jaaliyada Canada, oo isugu jirta haldoor, Aqoonyahan, culimo, dhalinyarro iyo haweenba. Waxaanan idin rejaynayaa insha Allah sanadka sanadkiisa in aad ku gaadhaan badhaadhe barwaaqo iyo idinka oo nabad ah iyo dalkii oo horumar iyo ictiraaf buuxa hela.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.