“Afgembigii Dhicisoobay Ee Wasiirka Madaxtooyada,” Maxamed Yaasiin

0

Hargeysa(Sayruuq) Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga Somaliland haddana ka tirsan saraakiisha xisbiga Waddani Maxamed Yaasiin Xasan ayaa ka hadlay xadhig maalmihii la soo dhaafay loogu gaystay magaalada Hargeysa kadib markii lagu eedeeyay in uu waraaqihii doorashada foojari ku sheegay.

Maxamed Yaasiin ayaa markii uu gaadhay London arrintan ka hadlay wuxuuna sheegay in la waday kicinta bulshada siiba beelaha musharraxiinta Madaxweyne ee doorashada ku tartamay in ay isku dhacaan.

Qoraal uu soo saaray ayaa sidan u dhigna:

AFGEMBIGII DHICISOOBAY EE WASIIRKA MADAXTOOYADA.

Raggii iyo Dumarkii i taageeray intii aan xidhnaa si gaar ah ayaan ugu mahad celinayaa.

Xadhigaygii waxa ka danbeeyay Wasiirka Madaxtooyada Mohamud Hashi oo adeegsanaya Gen.Fadal, Taliyaha Ciidanka Booliska.

Waxa aan cadaynayaa in aan Komishanka, Xeer Ilaalin, Maxkamad iyo Qof kale oo Somalilander ahi ku lug lahayn xadhigayga.

Waxa uu ka bilaabmay kuna dhamaaday Mohamud Hashi iyo Fadal iyo Intii Muse hore u miinayn jiray.

 

Waxa uu sheegay in uu arrimahan oo faahfaahsan warbaahinta la wadaagi doono isaga oo ka sanqadhiyay in uu jiray qorshe wasiirka Madaxtooyadu ku doonayay in doorashada lagu murmo si xukumaddu talada u sii hayso.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.