Afartan-guuradii Qoraalka Farsoomaalida:

0
Afartan-guuradii Qoraalka Farsoomaalida:
Afartan-guuradii Qoraalka Farsoomaalida: Casuumaddii Madaxweynaha, Muuqaalkii Magaalada, Kala-maankii Ergada, Heestii Maalmahaas iyo Midh La Igu Aqoonsan Jiray.
Qormada 3aad: Xasuus iyo Maangodol kala geddisan + Sidee Sangub u arkayay in Dhoodaan uu sawir la galo. Labadaba IHUN.
Codka aan sawirrada eaaciyay waa waraysi aan bixiyay markii shirku dhammaaday oo uu ila yeeshay Suxufi

Saddam Mohamed

oo ka tirsanaa Warbaahinta Somalilandtoday.

Martisharaftu waa ay iska soo daba-dhacayeen, qolo kastana waxa loo habeeyay bar ay degaan oo gaar ah. Ergey walba oo casuuman waxa loo qorsheeyay gunno uu adeegsado cuntadiisa, tagsiga iyo baahida kale ee mahuraanka ah. Muddo afar maalmood ah waxa aanu ku jirnay booqasho gaaban iyo kalabarasho. Gaadhi ay wateen ilmaabtiyaday Farxaan Cabdi Muuse iyo Yaxye Cabdi Muuse oo ay hooyo u tahay Eddaday Khadiija Gahayr Warfaa IHUN ayaa la igu kala tusay xaafadaha magaalada, dekedda Jabuuti iyo xeebta.
Xafiisyada magaalada ee aanu gaadhnay waxa ka mid ahaa Naadiyada Somali Pen iyo Afar Pen. Xafiiska Ganacsatada Soomaalida waxa aanu kula kulannay Cabdirashiid Haybe Dubbad oo Guddoomiyekuxigeen ka ahaa ururkaas. Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Jabuuti ayaannu iyadana booqannay. Waa halkii carruurta’e ‘ku-sii-sug” wanaagsan oo aanu ku samirno waa aynu haysannay.
Maalinnimo Axad ah, habeen ay Isniin soo gelayso 16kii Disember 2017ka ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle casho sharaf noogu sameeyay Kaambiiski Hotel ee caasimadda ku yaalla, waxa ay ahayd madal soo-dhaweyn ah, waxaana heeso iyo ciyaaraha dhaqanka ku soo bandhigay kooxaha fanka iyo dhaqanka ee Jambuuriyadda Jabuuti,gaar ahaanna kooxta 4ta Maaris. Cid kale mooyaan’e; horta Daauud Cali Masxaf oo golaha farshaxannimadiisa ku bilay waa aan arkayay.
Mudankii goobjoogga u ahaa waxa ka mid ahaa:
• Mudane Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti iyo marwadiisa
• Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo marwadiisa
• Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaalilaan iyo marwadiisa
• Dileyta Maxamed Dileyta Rasiisalwasaarihii Jambuuriyadda Jabuuti
• Idiris Arnaauud Cali Raiisalbaarlamaankii Jambuuriyadda Jabuuti IHUN
• Maxamed Guure Bisle Wasiirkii Warfaafinta DDS oo wakiil ka ahaa Madaxweynihii DDS Cabdi Maxamuud Cumar
Waxa isugu yimi dad kala baaday oo aanay qaarkood soddon sanno is arkin. Wejiyo ku kala fogaaday siyaasadda iyo aragtida ayuu afku kulmiyay. Habeenkaas annaga oo sawir la gelaynna Abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub), isla markaasna uu Abwaan Dhoodaan noo dhaw yahay ayuu Singub yidhi “Yaanu Dhoodaan innala gelin”. “Haye” ayaanu nidhi. Sababtu wax kale ma ahayn. Singub waxa uu rumaysnaa in Soomaalida Itoobiya la haysto, ayna xorayn u baahan yihiin. Halka Dhoodaan uu ka qaatay aragti ah inay wax la qabaan, kana tirsan yihiin Itoobiya. Labadoodaba Eebbe godka ha u nuuro.
Abwaan

Aadan Tarabi

iyo Abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub) ayaa iska soo horbaxay, waana ay is-bariidiyeen iyaga oo isu hiloobay waxa ay is weyddiiyeen “Goorma ayaa isugu keen dambaysay?” “Afgooye, 1982kii”. Gacal kala maqnaadiyo, geelba waysu ololaa!

Abwaan Jiheeye ayaa maalmahaas Singub weyddiiyay “Qaybtii 3aad ee riwaayadda Qabyo halkee ayaad marinaysaa?”. Waxa uu yidhi “Dee anigu waan gaboobaye idinku curiya”.
Xilliyo aanu Hudheelka Shiriton kula kulannay Axmed Faarax Cali (Idaajaa) waxa weyddiimo adag ku ganay

Mustafe Janaale

isaguna si hufan ayaa uu isu barraxay. Kollayba leexinta iyo dhanubadinta suugaanta ee lagu eedeeyo ayaa ay ahayd. Maalin ayuu nin ka mid ahaa raggii kacaanka la dhacsanaa yidhi isaga oo masraxa fuushan “Kacaankii aynu u ducaynno. Farta ayay qoreen”. Nin kale oo jabhadihii ayaa ku gacan-saydhay oo yidhi “U ducayn maynno” halkii ayay dood fool-ka-fool ahi ka curatay.”

Caasimadda Jabuuti waxa maalmahaas u shidnayd aadna loogu dhegaysanayay, seked kastana ka baxaysay Heesta Ha I Raadsan, waxa meerisyada iyo codkeedaba curiyay Abwaan

Xasan Daahir Ismaaciil

(Weedhsame). Mey 2012ka ayaa ay dhalatay, waxaana ay markaas jirtay 7 bilood.

Waxa iyaguna dharaarahaas Jabuuti soo cagadhigay:
• Fannaanka Mursal Muuse Cumar oo heestaas qaaday
• Axmedweli Ibraahin Maxamuud (Furinle) oo dananka u tumay.
• Hobaladda Khadra Cabdi Sinimoo iyo
• Abwaan

Xasan Dhuxul Laabsaalax
Abwaan Jiheeye oo iiga aqoon, barasho iyo xidhiidhba horreeyay ummadda Jabuuti ayaa dharaar iskaaya baray Abwaanka caanka ah Maxamed Muumin (Ababe), oo markaas ay muuqiisa, maqalkiisa iyo midhihiisuba ii kow ahaayeen. Waxa uu ii sheegay in uu curiyay heeso caan ah oo aan gartay, waxa aan ku idhi “Maxaa heesaha looga horraysiin waayay abwaanka, laxamistaha, muusigga iyo hobolka? Imaka curintiisana waa aan gartay, qof ahaanna ma garan”. Wax yara kakan ayaa ay raacinta magacyadu ula muuqatay.
Taasi waxa ay sababaysaa in hobolku ku caanbaxo hees uu curiyay halabuur aan la aqoonnin magaciisa oo aasani, waxa hadhaw lagu garanayaa “Ninka curiyay heesta uu Hebel ku luuqeeyo ama Heblaayo qaaddo” Haddii fankii iyo suugaanti magac mooyaane aanay manfac lahayn, in magaciina fannaanku maroorsadaa way ila meelkadhac. Kollay hannaan cusub oo markaas ay sii ambabixiyeen hobolladaas Hargeysa ee Xiddigaha Geeska noqon doonaa ayay ahayd.
Gudaha magaalada Jabuuti waxa walaalnimo iyo waddaniyad ku wada joogay muwaaddiniinta isku qaranka ah, kala se qowmiyadda ah sida Soomaalida, Canfarta iyo Carabta. Hudheellada waaweyn waxa aanu ku arkay askarta caalamiga ah ee Jabuuti deggen sida kuwa Maraykanka iyo Jarmalka.Qof kastaaba hawsha uu wato ayuu watay, isku-fiirsi, faaqidaad iyo falanqayni ma jirin.
Summad ay igu gartaan dadka waaweyn ee qoraaga, halabuurka iyo siyaasiyiinta Jabuuti ahi ayaa jirtay. “Waxan ahay ninka qoray buugga Abwaan Gaaxnuug” ayaan lahaa. 2009kii ayaan bilaabay qoraalka buugga Haldiiq oo xambaarsan suugaanta iyo sooyaalka Abwaan Maxamed Jaamac Cabdi (Gaaxnuug) oo ah gabayaa u dhashay Jabuuti iyo Soomaalilaan imakana ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Soomaalilaan, kana mid ahaa murashixiintii Xisbiga UCID ee Gobolka Saaxil 2005tii.
Waxa uu golaha ku soo biiray 2017kii markii uu iskii u banneeyay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Macallin Gaaxnuug, waa abwaan weyn oo bare ka ahaa Jabuuti.
Waa maansayahankii uu Ibraahin Gadhle lahaa:
Geelaa isugu kaaya jira, aniyo Gaaxnuuge
Buuggaasi waxa uu ifka yimi 2014kii, ugu yaraan waxqabad aan dadka Jabuuti isugu muujiyo ayuu ii ahaa. Shirku waxa uu si rasmi ah u furmayaa17ka Disember 2012ka oo berri oo kale ku beegnayd.
Waa inoo berri iyo qormada afraad oo furitaanka shirka ah haddii Alle idmo.
WQ: Siciid Maxamuud Gaheyr

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.