Adduun urursi iyo damac silloon !

0
Adduun urursi iyo damac silloon !

Adduun urursi iyo damac silloon !
Shirkadda Integrated Shipping Services ee mari weyday hunguriga kuwa kelidood in ay dhergaan shanta sano goostay waxay ahayd iimaan la’aan, mashaariic waxa ugu filan inta hadda ay maamulaan ee Bariiska xafladaha illaa macdanta buuraha u dhaxaysa, khayraadka iyo manfaca dalku wuxuu ka dhexeeyaa ummadda ka uuman Somaliland waxaana si siman ugu qaybiyay dastuurka Somaliland.
Axmed Geelle wuxuu dalka ku aaminay oo ku maalgashaday Malaayiin doollar, warshadiisa iyo shirkadaha kale waxay ku jiraan kaalin weyn oo shaqo abuur iyo dhaqaale kobcin ah. maalgashadayaasha waaweyn dalalka caalmaku way soo dhaweeyaan oo waxay u fudadeeyaan qorshe kastoo laga faa’idaayo cashuur iyo shaqo abuur bulsho. innagana waa damac iyo dilaalid.
Nimanka dhallinyarada ah ee damacabadan ee meel kastoo shilin maraayo shiishka ku hayaa ha ogaadaan in muddo xileedkii Madaxweyney Muuse Biixi sannad hadhay, xaaranta ay guranayaanna xisaabteedu if iyo aakhiraba taal. awoodda qaranka ee laga faa’idaystayna lagu xisaabtami doono ama beero ka dhista, ama baloodho booba, ama shirkado la wareega bishu hortiinnay iman !
Qoraale Hore:
Waraysi: Maxamed Sidiiq Dhamme
Daami, Waxa Yaal Dareen Dhaba!
“Hadii Loo Baqo In Dadka Islaamka Qaarkood Gaajo Iyo Haraad U Dhintaan, Sidii Biilka Reerkaagu Waajibka Kuugu Yahay, Ayaa Waxsiinta Dadkaasi Waajib Kuugu Noqonayaa..” Sheekh Dirir.

Sadiiq Dhame

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.