Abwaan In Ka Badan 30 Sanno Heeso Samaynayay Oo Fanka Macasalaameeyay

0

Go’aan adag.

Markaan eegay waayahayga adduunyada iyo aakhiro. Markaan eegay raggii iga horreeyey ee hibadda fanka iyo suugaanta illaahay ku manaystay waayahooda nololeed, dhaqaalle iyo dhaqanba. Markaan eegay muddada dhowr iyo soddonka sannadood ah ee suugaan aan leeyahay idaacad ama TV-ga ku jirtay, Inaanay inyar mooyaane, intooda baddani hawlaha aakhiro iga caawinayn. Markaan arkay halka maanta ay joogaan fanka iyo halabuurka Soomaalidu. Waxaan naftaydu soo gundhisay qarraaradan qodobaysan.

1- Laga bilaabo 31/12/2017 bahda fanka iyo suugaanta waan ka baxay. Sababtoo cidhibtiisaan soo arkay iyo raggii u soo halgamay halka xaalkoodu maanta joogo.

2- Heesaha 37-ka heesood ah ee fanaaniinta badan aan u dhiibay ee aan weli soo bixin, anigoon fanaaniintaas midkoodna imika magacaabaynin waxaan leeyahay walaalayaal iska quba, qof kale ku sheega ama idinkuba isku magacaaba odhan maayee.

3- Fannaaniinta heesaha iga sugayey ee aan u balanqaaday walaalayaal waxaan idiin sheegayaa, inaan balankaas idinkaga baxay illaahay dartiis, idinkuna aad sidaa raali ku noqotaan.

4- Mareegta iyo whatsapp group-ka aan u sameeyey fanaaniinta soomaalida waan xidhi doonaa, haddii alle idmo idinkoo raalli gelinteedana aan idiin soo dirayo.

5-Waxaan ka bixi doonaa dhamaantood, gollayaasha siyaasada , fanka iyo suugaanta ama boggaga la xidhiidha ee keydka suugaantaydu ku jiro.

6-Heesaha aan soo bixin ee aan hayo, qaarkoodna laxankii iyo muusigiiba u dhanyihiin ee aanan weli cid u dhiibin, waxaan ku dari doonaa qashinqubka si aanay go’aankayga saamayn ugu yeelan.
7- Social mediaha, sida facebook, whatsapp iyo snapchat iyagana boggaga aan ku leeyahay waan iska xidhayaa oo daadkaan ku darayaa.
8- Arrimaha siyaasada ka haddalkooda, faalladooda iyo maaweeladdeeda danbe la igama maqli doono.
9- Inta nolosha iiga hadhay ma qaban doono wax xil ah oo ka weyn ka naftayda iyo qoyskayga, xitaa haddii ummada oo isu timi ila baryayso.
10-Waxaan cibaadada illaahay iyo raaligelintiisa ahayn uma jeesan doono, iyo korodhsiga cilmiga if iyo aakhiraba qofka waxtaraya.
11- Ciddii aan igu raaci karaynin dariiqa illaahay ee aan jeclaystay hadday tahay rafiiq hore amaba lamaanaha nolosha waanu kala hawlyaraysan doonaa oo is nabadgelyayn doonaa, hadday jeclaystaan inay jid kale igula shuraakoobaan.
12- Waxaan saamaxay cid kasta oo intaan aduunyada ku noolaa wax na dhex mareen, marka laga reer labo qof (nin iyo naag) oo si kasta gefka ay iga galeen, wax kasta aan sameeyey oo aan ilaawi kari waayey.

Mubarak Qoorubaxay

Image may contain: 7 people

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.