Abwaan Basbaas Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

0
Abwaan Basbaas Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

Abwaan Basbaas Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

Alle ha u naxariistee waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan Ismaaciil Cabdi Guure Basbaas oo ka mid ahaan jiray hoboladii Waaberi. Marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeeyay xanuunsanayay.

Abwaan Ismaaciil Cabdi Guure (Basbaas), waxa uu ka mid ahaa jiilkii fanka ku biirey horaantii 1950-yadii, waxa uu ahaa majaajilayste ka qaybgelay riwaayado badan.

Waxa ay dad badan ku xusuustaan wakhtiyada dambe riwaayadda Beenay Waa Run oo uu ku matalayo odeyga qaba Awaan Maxamed Cumar Huryo oo isna islaanta ku matalayey iyo riwaayada Awbustaale oo ku matalayey Sheekha burhaanta leh .

Waxa uu sameeyey heeso badan, waxaana ka mida heesta hordhaca u ahaan jirtay idaacadaha Soomaaliya , hadana la maqlo ka hor wararka idaacadda Radio Muqdisho iyo Telefiishanka SNTV.

Heestan waxa laga joojiyey idaacada Radio Hargeysa oo ay ka bixi jirtey muddo dheer sababo siyaadeed.

Xigasho: Hadhwanaagnews

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.