Aan Biyo ku siiyee Baahidayda ii Fuli

0

Aan Biyo ku siiyee Baahidayda ii Fuli

subaxnimadii shalay ayaan soomaray wadooyinka boon-dheere ilaa dal-jirka oo ay hooyooyin iyo haween somaliyeed xaaqayaan oo ay nadiifiniyaan.
habeenimadii goor maqrib dabadiisa ah ayaan hadana goobihii somaray mise wali hooyooyinkii ayaa wadooyinka tuban ok la leeyahay biyo ku dhaqa wadada !

waxaan aad uga xanuunsaday dhibka ka muuqda hooyooyinkaas iyo haweenkaas, waxay wadooyinka taagnaayeen oo ay qashinka ka ururinayeen 12saacadood, xaafadahoodii iyo caruurtoodii war kama hayaan, qaarkood waa xaamilooyin, qaarkoodna way xanuunsayaan, waji-gooda waxaa ka muuqda daal iyo rafaad ba’an !

hadaba su’aasha meesha taala ayaa ah Hooyooyinkan yaa ku amray in ay wadooyinka xaaqaan saacadahaas faraha badan? yaa meesha keenay? ma mutadawacnimo ayay ku shaqaynayaan mise mushahar ayay qaataan mise waabay khasbanyihiin? maxaa la siiyaa ee loogu badalaa dhibkaas?

maamulka degmooyinka ayaa hooyooyinkan meesha keenay kuna amray in ay sidan u shaqeeyaan, hooyooyinkani waxay u list garaysanyihiin degmooyinka waana hooyooyin danyar ah, dhawrkii bilood ayay mar degmadu raashin yar siisa !
hadii ay shaqadan qaban wayaana waxaa laga jarayaa raashinkaa yar ee la siiyo.

Hooyooyinkani usbuuckasta mar ayay wadooyinka xaadhaan, waxaa kale oo ay nadiifiyaan wado kaste oo madaxdu marayso, waxaa kale oo magaalada ay nadiifiyaan marka uu wafdi caalalami ahi imanayo.
Hooyooyinkani dhibaatooyin badan ayay kala kulmaan hawshan qalafsan ee lagu khasbayo, bal’e marmarka qaar waaba lagu laayaa, sidii tii maalinka dhawayd 9hooyo lagu dilay.
khatartaa iyo dhibkaa waxay u galeen RAASHINKA yar ee aan la hubin goor lasiin doono, mana helaan xanaanayn iyo daryeel gaar ah, xaaladoodana hoos looma eego.

HOOYO WAXAAD XAQQ ULEEDAHAY NOLOL FIICAN, IYO NASIIMO.😢
Garyaqaan Cabdirisaaq Dallo

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.