9 dagaal Oo Dunida Ugu Samayn Badnaa 8 Muslimka Guulaystay

0
Waa maxay Ahli Sunnah wal Jamaacah?Ibraahim Hawd

Waxaa yaab leh, sagaalkii dagaal ee dunida u gu saamaynta badnaa siddeed ka mid ah muslinka ayaa galay. Bal arag:

Waxa Qoray Ibraahin Hawd

  1. Goobtii Badar oo ka dhacday dhulka maanta loo yaqaan Sacuudiga sannadkii 624 Miilaaddiga. Waxaa galay ilaa 950 nin oo Qureesh ah iyo 350 Muslin ah. Muslinka ayaa adkaaday, waana barbilowgii guulihii Islaamka iyo hirgalka Diinta Nebi Maxamed.

  2. Goobtii Yarmuuk oo ka dhacday dhulka imika loo yaqaan Urdun sannadkii 636. Waxaa is ku helay ciidankii imbaradooriyadda Biisanda (Room) oo gaadhaya 100 kun ilaa 200 oo kun, iyo muslinka oo gaadhayay 25 kun ilaa 40 kun. Waxaa adkaaday muslinka, wax ayna barbilow u ahayd damaca imabaradooriyadeed ee Muslinka.

  3. Goobtii Thaata Sawaarii oo Badda Dhexe badhtankeeda ka dhacday sannadkii 654. Waxaa is ku helay awooddii badda ee Imabaradooriyaddii Biisanda oo ahayd quwadda badda ee caalamka u gu sarraysa, oo wadata in ka badan 500 oo markab, iyo quwaddii badda ee Muslinka oo curdin ahayd. Waxaa ku adkaaday Muslinka, waxaana sidaa ku jabay qabkii iyo islaweynidii Masiixiga ee badaha.

  4. Goobtii Tours ama Balaad Ashuhaddaa. Wax uu ka dhacay dalka Faransiiska sannadkii 732, waxaana is ku haleelay ilaa 25 kun oo Masiixi Faransiis ah iyo 20 kun oo ah muslinkii dawladda Umawiyada Andalus. Waxaa ku jabay muslinkii, waxaana halkaa ku joogsaday dhul ballaadhsigii Muslinka Galbeed. Waxaa la hubaa haddii Muslinku goobtaa ku guulaysan lahaayeen dunidu in ay maanta si kale u ekaan lahayd, waayo wax ay u badan tahay in Yurub oo dhami muslimi lahayd.

  5. Goobtii Xaddiin. Wax ay ka dhacday dhulka Falastiin sannadkii 1187, waxaana is ku helay Macatableydii Masiixiga iyo Muslinkii Salaaxuduun Ayuubi. Muslinka ayaa ku adkaaday, sidaas bayna Quddus u gu soo noqotay gacanta Muslinka, duullaamadii Masiixiguna ku naafoobeen.

  6. Goobtii Istanbuul oo dhacday 1453. Wax ay dhex martay ciidamadii Masiixiga Bisanda oo caasimaddooda difaacaya iyo duullaankii Cismaaniyiinta Turkiga oo dardar kulul lahaa. Waxaa adkaaday Cismaaniyiinta, sidaas bayna caasimaddii Yurub iyo Masiixigu Muslinka u gu gacangashay.

  7. Goobtii Fiyeena oo dhacday sannadkii 1683. Imbaradooriyaddii Cismaaniyada oo wadata 150 kun oo askari ayaa doonaysay in ay qabsato caasimadda Usteeriya ee Fiyeena, taas oo ka mid ahayd kuwa Yurub u gu xoog badan. Goobtaa Muslinka ayaa ku jabay, sidaana waxaa ku joogsaday dhul ballaadhsigii dhanka Waqooyi ee Muslinka. Sideedaba halkaas bay ku soo afjarantay gacan sarrayntii Muslinka ee kunka sannadood soo socotay. Maalintaa haddii Cismaaniyiintu adkaan lahaayeen maanta dunidu si kale ayay u ekaan lahayd.

  8. Goobtii Normandie oo ka dhacday xeebaha Faransiiska sannadkii 1944. Waxaa is ku haleelay ciidamadii Xulafada oo tiradoodu gaadhayso 150 kun oo askari iyo dhanka kale Jarmalka oo wata 50 kun oo askari. Xulafada ayaa ku adkaatay, waana barbilowgii jabka quwaddii Naziga ee dunida halista galisay Dagaalkii Labaad ee caalamka.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.