5 Qof Hal Baloodh Laga Iibiyay Ayaa Iska Daba Dacwoonaya,” Gud. Maxkamadda Sare

0
5 Qof Hal Baloodh Laga Iibiyay Ayaa Iska Daba Dacwoonaya,” Gud. Maxkamadda Sare

5 Qof Hal Baloodh Laga Iibiyay Ayaa Iska Daba Dacwoonaya,” Gud. Maxkamadda Sare

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dastuuriga Prof Aadan Xaaji Cali Axmed oo maanta ka hadlayay munaasibad dawladda hoose qabatay ayaa sheegay in murannada dhulku yahay mushkiladda ugu weyn ee bahda garsoorku ka garnaqdo islamarkaana uu ammaanka Qaranka taabanayo. Waxa uu sheegay in dhulku hadda ka gudbay dhulnimo, islamarkaana uu noqday hanti ama lacag qiimo weyn ugu fadhida dadka.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare waxa uu soo bandhigay khaladaadka dawladda hoose samayso ee ah in dhul dhawr qof loo kala sharciyeeyo “Dacwadaha ugu badan ee ugu dhibaatada badan leh ee ugu muddada dheeraada ee ugu carqaladaha xun leh ee amniga xataa soo gala ee anaga, xeer ilaalinta, booliska iyo cid walba oo hay’addaha isku xidhan caqabadda ku ah waa dhulka. Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee maxkamaddaha yimaadda waxa ka mid ah dadkii oo faylal kala duwan haysta, iyada oo qof dhul sharci u haysto mid kalena sheeganayo, iyada oo qofkii dhulka lahaa lagu qabsanayo, dhulkii oo dhaqaale galay ooh anti noqday oo dadkii isku taageerayaan isuguna makhraati furayaan,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha Maxkamadda sare.

Waxa kale oo uu soo bandhigay arrin cajiib ah oo ah in qof dhul rahmay haddana uu iibinayo maaddaama aanay dawladda hoose hayn diwaanka dhulkan ama dhul dhawr qof oo kala duwan laga iibinayo “Shan qof oo hal baloodh laga wada iibiyay ayaa iska daba dacwoonaya; oo kani yahay dacwoodihii asalka ahaa, soo dhex gale, sii dhex gale mid kale oo la yidhaahdo.. maxay waxaasi u imanayaan? Nidaam diwaangalineed baan jirin oo 10 jeer ba la iibinaya, nidaamka haddii aad hirgelisaan nidaamka dawladda oo dhan ba isa saxaya,” Sidaas ayuu yidhi Prof Aadan Xaaji Cali.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.