5 Arrimood Oo Muujinaya Maamuusida Madaxweyne Biixi

0

Shan arrimood oo muujinaysa hab-maamuuseed madaxeedka ay Itoobiya siisay Madaxweynaha Somaliland.
1-Muuse waxaa soo dhoweeyey wasiir Itoobiya ka tirsan iyo madaxda xafiiska Somaliland ee Addis Ababa.
2-Madaxweyne Muuse waxaa la socday askari u qaas ah oo labisan waana nidaam caalami ah madaxda caalamkana lagu yaqaano. Waxaana loogu yeeraa. AIDE-DE -CAMP.

3-Madaxweyne Muuse waxaa gadaashiisa ka muuqda calanka uu matalo.
4-Madaxweynaha waxaa lagu qaaday baabuurka hab-maamuuska waliba gaariga uu saarnaa waxaa la suray calanka Somaliland oo ka babanayay
5-Kolanyada Madaxweyanaha wadada ayaa loo xiray.ilaa hotelkiisa.
Dhamaan qodobadaasi ayaa muujinaya maqaamka caadiga ee madaxda caalamka la siiyo marka ay dal kale booqdaan.

Waxa qoray Cabdirisaaq Catoosh

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.